Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo wafdi u dirtay Jubaland kadib markii ay soo…

Recommended Posts

Deeq A.   
615710835_885156947658185_52189555846658

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi u dirtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ka ah ee Jubaland, kaas oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.

Wafdigan oo ay qayb ka yihiin hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland.

Socdaalka guddoomiyaha SoDMA waxaa si gaar ah ugu wehlinaya George Conway oo ah Ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee QM, ahna isku-duwaha arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya, si loo xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha qaranka iyo kuwa caalamka ee ka shaqeeya ka jawaabista masiibooyinka.

War kasoo baxay Jubaland ayaa looga hadlay booqashada wafdigan oo hawlo gargaar u tegay halkaasi, maadaama ay ka jiraan xaalado bani’aadanimo oo daran.

“Magaalada Kismaayo waxaa goor dhow soo gaaray wafdi sare oo ka socday Hay’adaha QM u qaabilsan arimaha gargaarka, oo uu qeyb ka ahaa Gudoomiyaha SoDMA. Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Jubaland oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa wafdiga kuso dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, xubnaha wafdigan oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa inta ay joogaan Jubaland waxay u kuurgeli doonaan xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada kala duwan ee maamulkaas iyaga oo qiimeyn doona saameynta abaarta iyo sidii loo dardargelin lahaa ka-jawaabista gargaarka degdegga ah.

Jubaland oo weli khilaaf dhanka siyaasadda ah uu kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wajaheyso xaalad daran oo ka dhalaty abaar baahsan oo ku dhufatay gobollada Jubooyinka iyo Gedo ee koonfurta dalka.

Xaaladdan ayaa sidoo kale ka taagan gobollada kale ee dalka, sida Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle, Puntland iyo waqooyi galbeed Soomaaliya.

615097096_885156940991519_51582246511821 615278315_885156944324852_66418844704810 615333892_885156937658186_79149863950192 615562513_885156954324851_47973134157371 615710835_885156947658185_52189555846658

The post Sawirro: DF oo wafdi u dirtay Jubaland kadib markii ay soo… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this