Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid DENI oo ogolaaday wada-hadalka madaxweyne Xasan Sheekh hadduu aqbalo…

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Deni.jpg?fit=2500%2C1700&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo xalay jeediyay khudbad xasaasi ah, kadib kulan uu la yeeshay dhalinyarada maamulkaas ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda.

Deni ayaa marka hore sheegay haddii madaxweynuhu la yimaado wax lagu qanci karo in Puntland ay kasoo qayb-galeyso gogosha loogu baaqay Xasan Sheekh inuu qabto 20-ka bishaan, si looga wada-hadlo arrimaha keenay khilaafka ee ka dhashay hannaanka doorashada & wax ka beddelka dastuurka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Puntland ay tabashadeeda keeni doonto goobta, haddii uu Madaxweynaha si sax ah u wajaho xaaladda dalka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh haddii uu aqbalo gogoshii loogu baaqay in 20-ka bishan uu qabto Puntland way tageysaa garteeda ayeyna ka dhiibanaysaa laakiin haddii uu iska diido awalba waa iska joognay” ayuu yiri Saciid Deni.

Waxaa kale oo uu eedeyn culus u jeediyay dowladda dhexe oo uu tilmaamay inay ka shaqeyneyso kala qaybin dalka ah iyo khilaafaad horleh.

“Maamulka hadda jooga waa maamul kala qaybin iyo isku dir iyo mashaakil ka shaqeynaya ee ma’aha mid midnimo ka shaqeynaya” ayuu mar kale yiri Deni.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay midnimada dalka ayaa xusay in siyaasad xumo ay keentay in dadku kala tago, wuxuuna eeddda ugu wayn dusha u saaray dowladda federaalka Soomaaliya oo uu tilmaamay in ay burburisay sharuucdii heshiiska lagu ahaa ee dalka.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in dowladda Soomaaliya in ay kusoo noqoto xeyndaabka sharciga, kadibna la timaado qorshe waxtar u leh dalka iyo dadka.

The post Saciid DENI oo ogolaaday wada-hadalka madaxweyne Xasan Sheekh hadduu aqbalo… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this