Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho? + Video

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-scaled.webp?fit=2560%2C1666&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale maanta magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax wayn oo ay soo abaabuleen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaas oo looga soo horjeeday xagudubka Israa’iil ee madax banaanida Soomaaliya, kadib aqoonsigii ay siisay Somaliland.

Qaar kamid ah hoggaanka dhaqanka oo goobta ka hadlay ayaa jeediyay khudbado ay uga hadleen dhibaatooyinka Yuhuudda u keeni karto dalkeenna, haddii aan laga hortagin farogelinta ay ku hayso Soomaaliya.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo kamid ah dhaqanka Muqdisho ayaa sheegay in si ay cad uga horjeedaan go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aan la kala goyn karin dalka.

“Damaca Israa’iil waa diidnay Somaliland waa gobolka ka mid ah Soomaaliya mana kala go’i karno waa riyo” ayuu yiri Nabadoon Xaad

Dhankiisa Nabadoon Muxidiin Xasan Afrax ayaa isuguna adkeeyay difaaca dalka, wuxuuna ku baaqay midnimo qaran iyo wadajir.

“Duulanka nagu socda wuxuu kusoo dhamaanaa difaac adag in nala tir tiro ayaa la rabaa Soomaaliyeey soo kaca dalkiina difaaca” ayuu isna yiri Afrax.

Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo ugu dambeyn soo saaray bayaan culus ayaa cadeeyay mowqifkooda, waxayna garab istaag u mujiiyeen dowladooda.

Shalay ayay ahayd markii sidaan oo kale magaalada Muqdisho loogu qabtay banaanbax ay soo qaban qaabiyeen haweenka Soomaaliyeed, waxaa kale oo kasii horreeyay culimada oo iyaguna kasoo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Si kastaba, Israa’iil oo 26-kii December ee sanadkii hore, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” ayaa weli sii wadda xagdubka ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxaana maanta ay wafdi uu hoggaaminayo wasiirkeeda arrimaha dibadda u dirtay Somaliland, tallaabadaas oo ay mar kale ka hortimid Soomaaliya.

The post Maxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho? + Video appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this