Deeq A. Posted 12 hours ago Beijing (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa casuumaad rasmi ah u fidisay Madaxweynaha Soomaaliya, si uu booqasho ugu tego dalkaas, iyada oo sidoo kale tilmaamtay inay garab taagan tahay midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda, Wang Yi. Wasiirka ayaa ballan qaaday iskaashi dhanka difaaca ah, isaga oo caddeeyay in Shiinuhu ka soo horjeedo isku day kasta oo ay Somaliland iskaashi kula sameyneyso mas’uuliyiinta Taiwan, si ay u raadiso gooni-isu-taag. Wang wuxuu tilmaamay in dalalka Shiinaha iyo Soomaaliya ay wadaagaan saaxiibtinimo soo jireen ah, isla markaana Beijing ay si adag ugu dheggan tahay siyaasad saaxiibtinimo oo ku wajahan Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmi doono dhiggiisa Shiinaha Jinping, ayna ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka labada waddan iyo xiisadda culus ee haatan ka taagan gobolka. Sida qorshuhu yahay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qeyb-geli doono shirka Shiinaha iyo Afrika ee qabsoomaya sanadkan, halkaas oo ay isku arki doonaan madax kala duwan oo isugu tageysa caasimada Beijing. Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha ayaa haatan gaaray dalka Lesotho, oo ah halka ugu dambeysay ee booqasho lix maalmood socotay oo uu sannadka cusub ku marayay qaaradda Afrika. Si kastaba, booqashadii uu qorsheynayay inuu ku tago Soomaaliya ayaa dib loo dhigay. Inkastoo aan sabab rasmi ah la shaacin, afhayeen u hadlay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegay in go’aankaas lagu gaaray wadatashi saaxiibtinimo oo u dhexeeyay labada wasaaradood ee arrimaha dibadda. Arrintan ayaa imaaneysa, xilli xiisad cusub ay ka dhalatay kaddib markii Israel ay 26-kii December ku dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan oo leh dawladnimo buuxda, taas oo ka dhigtay waddanka keliya ee tallaabadaas qaaday, isla markaana dhalisay dhaleeceyn xooggan oo ka dhacday gobolka. Somaliland ayaa tan iyo markii ay 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya u shaqaynaysay sidii maamul iskiis isu maamula, balse weli ma helin aqoonsi caalami ah oo dal madax-bannaan ah. The post Xog: Shiinaha oo u yeeray madaxweyne Xasan + Ujeedka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites