Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo wasiir Faarax ergo ugu dirsaday dalka…

Recommended Posts

Deeq A.   
615925471_1430672702175227_8817727237051

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan si weyn ugu mashquulsan howlaha diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ayaa ergo ahaan u dirsaday wasiirka waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo gaaray dalka Qatar.

Faarax oo uu wehliyo wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Cal Balcad ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi Mohamed Bin Abdulasis Al_Khulaifi, waxayna ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada-hadleen xaaladda Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Dooxa iyo Muqdisho.

Dowladda Qatar ayaa sidoo kale mar kale ku celisay inay si buuxa u taageersan tahay madax bannaanida dhuleed iyo qaranimada Soomaaliya.

Horay qoraal luuqad adag ku qornaa oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa si adag looga hadlay tallaabada Israa’iil, kaas oo lagu sheegay in uu yahay “xadgudub bareer ah oo lagu sameeyay sharciga caalamiga ah” iyo weerar toos ah oo lagu qaaday “midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Dooxa waxaa kale ay si cad u diidday isku-day kasta oo lagu “dhisayo maamullo barbar-socdo,” taas oo tixraac u ah raadinta sharciyad ee Somaliland ay wadday tobannaanka sano.

Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir xooggan oo ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi, waxayna Dooxa si buuxda u taageertaa dowladda federaalka, iyadoo mashaariic waa wan oo muhiim ah ka fuliso gudaha dalka.

Maalmihii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ayaa sare u qaaday dadaallada diblumaasiyadeed, iyada oo si weyn ua hortageyso xagudubka Israa’iil ee madax-banaanida Soomaaliya, kadib aqoonsigii ay siisay Somaliland.

614929790_1430673168841847_4329089007387

The post Xasan Sheekh oo wasiir Faarax ergo ugu dirsaday dalka… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this