Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Falastiin oo ka wada hadlay aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
1000118738.jpg

Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudiga waxaa xalay kulan ku yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali iyo wasiirka arrimaha dibada Falasttyin Marwo Dr. Varsen Aghabekian Shahin.

Sida lagu sheegay bayaan kooban oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxay labada wasiir si qoto dheer uga wada hadleen aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland, iyagoo si adag u diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

“Intii lagu guda-jiray kulanka, labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada hadleen aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil ay siisay waxa loogu yeeray (Somaliland) ee gobolka Waqooyi galbeed Soomaaliya, iyagoo si adag u diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda dhowrista sharciga caalamiga, iyagoo muujiyey taageeradooda dhammaan dadaallada lagu dhowrayo midnimada qaran iyo xasilloonida dalka.

Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudiga waxaa xalay ka dhacay kalfadhi aan caadiga ahayn oo yeesheen golaha wasiirrada arrimaha dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaas oo ku saabsanaa xaaladda  Soomaaliya.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this