Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Muumin oo ka haday maleeshiyada haysata xarunta degmada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
1000118702.jpg

Taliyaha Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in 22-ka bishan ay magaalada Gaalkacyo urari doonaan dhammaan ciidanka dhalinyarada ah ee dhawaan ku soo biiray Ciidanka Booliska, kuwaas oo hadda ka howlgala magaalada Garowe.

Taliye Muumin waxa uu ku tilmaamay u jeedka ciidamada loo gaynayo Gaalkacyo in ay tahay wax ka qabashada xaaladda amni ee magaaladaas oo ay ka mid tahay maleeshiyada haysata xarunta dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo.

Gen. Muumin oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Garowe wuxuu faray ciidamaas in ay u diyaargaroobaan sugida amniga Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Maleeshiyo hubaysan ayaa muddo toban bari ah haysata xarunta dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo, kuwaas oo sheegaya in ay lacag ku leeyihiin qaar ka mid ah mas’uuliyiinta degmada.

Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa maalmo ka hor ka dalbaday dowladda dhexe ee Puntland ciidamo lagu sugo amniga xarumaha dowladda, laguna soo celiyo kala dambeynta iyo sharciga.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this