Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF Soomaaliya oo hub culus ka heshay saddex dal

Recommended Posts

Deeq A.   
Turksom-scaled.webp?fit=2560%2C1707&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Turkiga, Masar iyo Serbia ayaa Soomaaliya soo gaarsiiyay hub culus iyo qalab milatari, taas oo xoojinaysa Ciidamada Qalabka Sida xilli dalku wajahayo baahiyo amni oo isa soo taraya iyo cadaadis diblomaasiyadeed.

Saraakiil milatari oo Soomaaliyeed ayaa wareejintan u xaqiijiyay Wakaaladda Difaaca Turkiga. Warbixintu waxay sheegtay in taageerada Turkigu ay isugu jirto hubka askarta lugta, gaadiid gaashaaman, rasaas, nidaamyo talis iyo xakameyn (command and control), iyo qalabka aragga habeenkii.

Wakaaladdu waxay intaas ku dartay in soo gaarsiinta qalabkan ay ku soo beegantay hawlgelinta Guutooyinka Kumaandooska Gorgor (Eagle), kuwaas oo Turkigu ku tababaro xarunta milatari ee TÜRKSOM ee Muqdisho. Sida ay wakaaladdu sheegtay, arrintani waxay muujinaysaa in Ankara ay Soomaaliya ka hawlgelisay awooddeeda si ka ballaaran tababar, una gudubtay xoojin toos ah oo dhinaca awoodda dagaal ah, iyadoo gacan ka geysanaysa diyaarinta iyo dirista cutubyo hawlgallo fulin kara.

Mas’uuliyiin Soomaaliyeed ayaa sidoo kale xaqiijiyay in taageero hub ay ka timid Masar iyo Serbia, balse lama shaacin wax faahfaahin ah oo ku saabsan nooca ama tirada hubka ay labada dal bixiyeen.

Soo gaarsiinta hubkan waxay ku soo aadaysaa xilli Soomaaliya heshay garab diblomaasiyadeed oo xooggan oo taageeraya madaxbannaanideeda iyo midnimada dhuleed.

Sacuudi Carabiya, oo ay weheliyaan dalal Carbeed, Islaami ah iyo kuwo Afrikaan ah, ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku cambaareeyeen booqasho uu mas’uul Israa’iili ahi dhowaan ku tagay xarunta maamulka Somaliland.

“Booqashadani waa xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya; waxayna wiiqaysaa sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, iyadoo halis u ah inay sii huriso xiisadaha ka taagan gobol horeba u jilicsanaa,” ayaa lagu yiri bayaanka, sida ay baahisay Saudi Gazette.

Wasiirradu waxay si cad u diideen aqoonsiga ay Israa’iil siisay gobolka Somaliland, iyagoo adkeeyay in gobolku yahay “qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” kana digay in dhiirrigelinta ajandayaal gooni-goosad ay horseedi karto xasillooni-darro dheeraad ah.

Bayaanka, oo ay saxiixeen in ka badan 20 dal oo ay ku jiraan Masar iyo Turkiga, isla markaana ay taageertay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), wuxuu Israa’iil ugu baaqay inay ka laabato aqoonsiga Somaliland oo ay ixtiraamto sharciga caalamiga ah, iyadoo sidoo kale garab istaagaysa dadaallada diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ee Soomaaliya ku difaacayso madaxbannaanideeda.

The post Xog: DF Soomaaliya oo hub culus ka heshay saddex dal appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this