Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo si adag uga horyimid iskaashiga dhex mari kara Somaliland iyo Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga, Hakan Fidan, ayaa hadal aad u kulul oo xambaarsan digniin iyo dhaleecayn u diray maamulka Somaliland, isaga oo si toos ah u taabtay qadiyadda aqoonsi raadinta iyo xiriirka ay la leeyihiin Israa’iil.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland aysan haysan aqoonsi caalami ah oo dhab ah, isagoo xusay in dowladda kaliya ee u muuqata inay garab istaagayso ay tahay Israa’iil.

Waxa uu ku dooday in taageeradaas aysan ahayn mid ku timid jacayl ama dan u adeegaysa dadka Somaliland, balse ay tahay qorshe loogu adeegsanayo fulinta ujeeddooyin xun iyo siyaasadaha gobolka ee ay leedahay Israa’iil.

​Fidan waxa uu hadalkiisa sii raaciyay digniin dhanka akhlaaqda iyo diinta ah, isaga oo ku sifeeyay in haddii qofku ku dhinto isaga oo ku dhex jira xaalad loola adeegsanayo dano shisheeye oo dhibaato horseedaya, ay taasi tahay dullinimo weyn iyo ciqaab xanuun badan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this