Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo Cambaareysay Duqeynta Safaaradda Qatar ee Kyiv

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku muujinayso walaac xooggan oo ku aaddan burburka soo gaaray Safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Qatar ku leeyahay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv.

Burburkan ayaa yimid ka dib markii dhismaha safaaradda ay saameysay duqeyn ka dhacday halkaas.

​Bayaankan oo soo baxay 10-ka Janaayo, 2026, waxay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya markale ku celisay muhiimadda ay leedahay dhowrista mabaadi’da caalamiga ah ee xurmeynta xarumaha dublamaasiyadeed.

Sidoo kale, dowladda waxay hoosta ka xariiqday in ilaalinta dhismayaasha iyo shaqaalaha dublamaasiyiinta ah ay tahay waajibaad dhowrsan oo waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this