Sign in to follow this  
Deeq A.

SHIINAHA oo jawaab kulul siiyey maamulka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
612168281_896073032948790_12355276907918

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha jawaab culus siisay maamulka Somaliland, kadib markii wasiirka madaxtooyada maamulkaasi Khadar Xuseen Cabdi uu shaaciyay in wafdigii Shiinaha ee ku socday Muqdisho ay shalay u baaqdeen sababo amni dartood, isaga oo faafiyay warqad been abuur ah.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ku leeyahay Muqdisho ayaa lagu beeniyay warka ay faafisay Somaliland, waxaana lagu caddeeyay in safarka wasiirka arrimaha dibadd Shiinaha dib loo dhigay kadib wada-hadal dhex-maray labada dowladood.

Sidoo kale Shiinaya ayaa mar kale ku celiyay mowqofkiisa, wuxuuna si buuxda u taageeray madaxbanaanida Soomaaliya, isaga oo carrabka ku dhuftay in Somaliland ay tahay gobol kamid ah Soomaaliya.

“Somaliland waa gobol kamid ah Soomaaliya, wax kasta haddii aad sameysaan waxba kama badali kartaan Xaqiiqda” ayaa lagu yiri bayaanka.

614165810_1328069246006490_9006876297187

Si kastaba, ha’ahaatee, Dib u dhiggani wuxuu hakiyay booqasho la filayay inay noqoto tii ugu horreysay ee wasiir arrimo dibadeed oo Shiinaha ah ku yimaado Soomaaliya tan iyo 1980-meeyadii.

Waxaa kale oo la filayay in booqashada dib u dhacday ay Muqdisho siiso dhiirrigelin diblomaasiyadeed, kaddib markii Israel ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland — gobolka waqooyiga Soomaaliya ee ku dhawaaqay gooni-isu-taag 1991 — inay tahay dowlad madax-bannaan.

Booqashada Soomaaliya sidoo kale waxay ku jirtay qorshaha safar soconaya 7 ilaa 12-ka Janaayo, oo Wang Yi ku marayay Itoobiya, Soomaaliya, Tansaaniya iyo Lesotho. Beijing ayaa sheegtay in Afrika ay ahayd halkii ugu horreysay ee wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha uu u safro sannad kasta, muddo 36 sano oo xiriir ah.

Jadwalkan waxaa diiradda lagu saarayaa helitaanka marinno ganacsi oo istaraatiiji ah Bariga iyo Koonfurta Afrika, iyadoo Beijing ay doonayso inay adkeyso marinno badeed oo muhiim ah iyo silsiladaha sahayda kheyraadka.

The post SHIINAHA oo jawaab kulul siiyey maamulka Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this