Deeq A. Posted 23 hours ago Boosaaso (Caasimada Online) – Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir ay gudiga farsamada Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ku yeesheen Puntland, kaas oo wajigiisa koowaad shantii bishan ka dhacay Garoowe, maantana qaybtiisa labaad lagu soo gabagaboobay Bosaaso. Shirka ayaa waxaa ka qayb-galay xubno ka kooban Jubbaland, Puntand iyo Madasha Samatabixinta oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka, waxayna shirkooda diyaaradda ku saareen arrimaha doorashooyinka ee weli muranka ka taagan yahay Inta uu socday shirka guddiga ayaa diyaariyay go’aan ay ku sheegeen in dalka looga badbaadinayo hubanti la’aanta siyaasadeed iyo firaaq dastuuri ah, isla markaana ay fulinayaan qodobadkii kasoo baxay shirarkoodii hore. Horay xubnahan oo ugu shiray magaalada Kismaayo ee Jubaland ayaa waxa ay kasoo saareen bayaan culus oo ku aaddan xaaladda guud ee dalka, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin in Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodaan sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoomta waqtigeeda, oo ah dhamaadka muddo xileedkiisa. Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhankiisa jawaab culus siiyay xubnaha mucaaradka ayaa soo dhaweeyay gogosha ay ku baaqeen Golaha Mustaqbalka, isaga oo dhawaan arrimahaas kala hadlay Madaxweyne Shariif. Inta uu socday kulankaas oo kadis ahaa Madaxweynaha ayaa muujiyey rabitaankiisa ku aaddan qabashada shir wada-tashi qaran oo ay daneeyayaasha siyaasadda ee mucaaradka hore ugu baaqeen. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad culus oo siyaasadeed, mid kale oo diblumaasiyadeed oo ka dhalatay aqoonsiga ay dhawaan Israa’iil siisay maamulka Somaliland kaas oo ay si weyn uga hortimid Dowladda Soomaaliya. The post Golaha Mustaqbalka oo gaaray go’aan culus oo lagu… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites