Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay DF ka tiri khasaaraha Qatar ka soo gaaray duqeyntii…

Recommended Posts

Deeq A.   
coat-of-army-Somalia-scaled.webp?fit=256

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa si adag looga hadlay waxyeelo xooggan oo safaaradda Qatar ee ku taalla caasimadda Ukraine ee Kyiv kasoo gaartay duqeyn culus oo ka dhacday halkaasi.

Bayaanka oo ku qornaa luqadda Englishka ayaa dowladda Soomaaliya waxay ku muujisay walaac ku aaddan waxyeellada gaartay safaaradda Qatar, maadaama la beegsaday dhismaheeda, taas oo kasoo horjeedo diblumaasiyadda iyo qaaanuunka caalamiga ah.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa adkaysay mabda’a aasaasiga ah ee dhowrista iyo xurmada goobaha diblomaasiyadeed, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, gaar ahaan heshiisyada caalamiga ah ee ilaalinta safaaradaha, hantidooda iyo shaqaalahooda.

“JFS waxa ay muujinaysaa walaac qoto dheer oo ay ka qabto khasaaraha soo gaaray Safaaradda Dowladda walaalaha ah ee Qadar ee ku taalla Magaalada Kyiv oo ah Caasimadda Ukraine ee ka dhashay duqayn, Waxa ay mar kale Soomaaliya adkaynaysaa mabda’a aasaasiga ah ee aan la taaban karin ee xarumaha diblomaasiyadeed sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo qoraalka lagu xusay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo ilaaliyo xarumaha diblomaasiyadeed iyo diblomaasiyiinta, maadaama ay yihiin kuwo aan la taaban karin (inviolable) marka loo eego sharciga caalamiga ah.

Ugu dambeyn Dowladda Federaalka ayaa midnimo iyo garab istaag buuxa oo wayn u muujisay dowladda iyo shacabka Qatar, iyada oo ku baaqday in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah iyo badbaadada dhammaan howl-wadeennada diblomaasiyadeed.

Duqeynta ka dhacday Kyiv ayaa waxaa Ukraine ay ku eedaysay in uu ka dambeeyay Ruushka, waxaana sii kordhaya walaaca laga muujinayo beegsiga ay Moscow ka waddo bartilmaameedyada muhiimka ah ee dalkaasi.

613262822_1269403941879049_6247272121030

 

The post Maxay DF ka tiri khasaaraha Qatar ka soo gaaray duqeyntii… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this