Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir muhiim u ah Soomaaliya oo ka furmay Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   
612625058_1429327658976398_7316939966782

Jeddah (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Jeddaha ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ka furmay shir deg-deg ah oo muhiim u ah Soomaaliya, kaas oo ay yeelanayaan wasiiradda arrimaha dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee magaciisa loo soo gaabiyo (OIC).

Shirka ayaa ku furmay heer wakiilada dalalka Islaamka ee OIC, kaas oo hordhac u ah kulanka guud ee golaha wasiirrada ee ururka, waxayna xubnaha maanta isugu tegay Jeddah diyaarinayaan kalfadhi aan caadiga ahayn oo looga hadlayo aqoonsiga ay dhawaan Israa’iil siisay maamulka Somaliland.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaadi doonaa xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, maadaama dalka ay ka jirto xaalado is-biirsaday sida tan siyaasadda ee ka dhalatay doorashada, arrimaha diblumaasiyadda iyo abaaraha.

Soomaliya waxaa shirkan ku metali doono wasiirka arrimaha dibadda Cabdisalaan Cali Dhaay oo maalmahaan kulamo iyo dhaq-dhaqaaq diblumaasiyadeed ka waday magaalada Riyadh ee caasimada Sacuudiga.

Cabdisalaan ayaa madasha ka jeedin doono khudbad xasaasi ah oo ku caddeyn doono mowqifka Soomaaliya, khataraha wadajira ay dalalka Islaamku wajahayaan iyo mahadcelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhankooda Wasiirrada Ururka OIC ayaa la filayaa inay soo saaraan bayaan adag oo Israa’iil looga dalbanayo inay si deg-deg ah uga laabato aqoonsiga Somaliland, si loo dhowro shuruucda caalamiga ah ee yaalla QM iyo Midowga Afrika.

Soomaaliya ayaa garab weyn ka heshay dalalka Islaamka, waxaana si hagar la’aan usoo dhinac istaagay dalal waa wayn oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga iyo Turkiga oo dhawaan uun ku heshiiyay difaaca qarannimada Soomaaliya.

Si kastaba, Dhaq-dhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa daba socda ku dhawaaqistii Israa’iil ee 26-kii Diseembar, markaas oo ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan—waana dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

612324106_1429327652309732_7478204043517 612625058_1429327658976398_7316939966782 612997245_1429327648976399_3118139142663 614380275_1429327645643066_1540260321317

The post Shir muhiim u ah Soomaaliya oo ka furmay Sacuudiga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this