Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari ay la socdeen Shabaab oo lagu gubay dagaal ka dhacay…

Recommended Posts

Deeq A.   
dagaal.jpg?fit=1080%2C603&ssl=1

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay aagga deegaanka Teedaan oo ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab isku dayeen inay weeraraan deegaannada Bukure iyo Teedaan, waxaana ka war helay ciidamada Xoogga dalka oo jab culus gaarsiiyay xubnaha weerarka soo qaaday.

Taliye Xasan Faarax Guuleed oo hoggaaminayay dagaalka ayaa Shabelle Tv u sheegay inay gubeen gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ragga weerarka soo qaaday, wuxuuna tilmaamay inay ku basbeeleen dhammaan raggii la socday.

“Waxay isku dayeen inay Teedaan yimaadaan laakiin ciidamo ayaa meesha ugu diyaarsanaa gaari Cabdi Bile ah ayaa looga gubay, dhowr nina waa looga dilay” ayuu yiri Taliye Xasan Faarax Guuleed.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Jidgooyo ayaa loo dhigay gaariga iyo wixii saarnaa ayaa Saban lagu dhuftay meesha ayayna iskula basbeeleen”.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan xaaladda ay dagan tahay, ayna ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay.

“Xaaladda deegaanka hadda waa dagan tahay meel 30 KM u jirta deegaanka ayaa hadda ciidamadeenu joogaan oo Shabaab afkiisa ah” ayuu mar kale yiri.

Muddooyinkii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa xoogga soo saaray Hiiraan, iyada oo doonaya inay qabsadaan deegaannada u dhow degmada Maxaas ee gobolkaasi.

The post Gaari ay la socdeen Shabaab oo lagu gubay dagaal ka dhacay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this