Deeq A. Posted 15 hours ago Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka carootay hadal kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo nasiib darro weyn oo ku dhacday Somaliland ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil, wuxuuna ku qeexay arrin musiibo ah oo ceeb iyo fadeexo ku ah bulshada Somaliland. “Waxaan u arkaa aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland inuu yahay musiibo ugu weyn oo ku dhici karta Somaliland. Maxaa noqon kara musiibo ka weyn tan oo ku timaada bulsho Muslim ah, ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah? Qofna ma aqoonsana, Israa’iil ayaana ku aqoonsatay. Ma aha sababta aad tahay, laakiin sababtoo ah waxaad u adeegaysaa ujeedo xun, siyaasadooda gobolka ah. Haddii Ilaah kuu oggolaaday arrintan, waa ceeb iyo ciqaab weyn dhab ahaantii. Tani waxay ka dhigan tahay in qofku u baahan yahay inuu is xakameeyo.” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga. Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiirka madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, wuxuuna tilmaamay in Turkiga uu yahay dalkii koowaad ee aqoonsaday Israa’iil, illaa maantana uu la leeyahay xiriir aan marnaba go’in, sida uu ku dooday. Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in Turkigu uusan u sheegi karin diin iyo taariikh toona, ayna garanayaan danahooda gaarka ah iyo cidda ay la xiriirayaan. “Turkiga waa waddankii koowaad ee dunida aqoonsada jiritaanka Israa’iil sanadkii 1984-kii. Waagaas ilaa maanta marxalad kasta oo dhacda Turkigu marnaba xidhiidhka uu Israa’iil la leeyahay iska daa inuu gooyee hoos uma dhigo. Markaa maanta Turkigu diin nooma sheegi karo, taariikhna inooma sheegi karo, dhaqan kalena inooma sheegi karo, danteennana inooma sheegi karo. Danteenna innagaa naqaanna, innagaa ka shaqeyneyna, innagaa u taagan, innagaa matalna” ayuu yiri Khadar Xuseen Cabdi. Waxaa kale oo uu u jawaabay dalalka diidan aqoonsiga Somaliland, isaga oo yiri “Waxaa jira waddamo badan oo dunida ka mid ah oo iyaguna aqoonsiga Somailand dhibaato u arka. Waxaan rabnaa inaan dunida oo dhan u sheegno aqoonsiga Somailand wuxuu soo kordhinayaa oo uu wax weyn ku tarayaa nabadda gobolka, wuxuu wax weyn ku tarayaa ilaalinta iyo adkeynta amniga Badda Cas, wuxuu wax weyn ku tarayaa wada noolaanshaha iyo dhaqaalaha, is dhexgalka gobolka aynu ku nool nahay”. Turkiga ayaa horay u caddeeyay mowqifkiisa, wuxuuna si adag u diiday aqoonsiga Somaliland oo uu ku tilmaamay inuu xadgubub ku yahay madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Si kastaba, Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Somaliland ay cambaareyn xooggan iyo diidmo adag kala kulantay aqoonsiga ay ka heshay Israa’iil. The post Somaliland oo si weyn uga carootay tallaabadii Turkiga appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites