Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arrimaha dibada Shiinaha oo dib uga dhacay safar uu maanta ku iman lahaa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
1000116024.jpg

Wasiirka arrimaha dibada Shiinaha Wing Yi oo la filayay in uu maanta galinkii hore soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa dib uga dhacay safarka xiligii ay isla qorsheeyeen labada dowladood.

Qaar ka mid waddooyinka Muqdisho ayaa saaka loo xiray booqashada wafdiga Shiinaha hase ahaatee goor dambe waxaa la ogaaday in wafdigaas u baaqday sabab aan la shaacin.

Wasiirka arrimaha dibada Shiinaha Wing Yi oo safar ku maraya Afrika ayaa shalay Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ay ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo danaha ay wadaagaan labada dhinac.

Wasiir Wing Yi marka uu Muqdisho yimaado wuxuu la kulmi doonaa madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, iyaga oo noqonaya mas’uulkii ugu horreeyay oo caalamka ka socda oo soo gaaraya Muqdisho tan iyo markii ay Israa’iil aqoonsi siisay maamulka Somaliland.

Sidoo kale wuxuu noqonayaa mas’uulkii ugu sarreeyay ee ka socda dalalka leh codka-qayaxan oo imanaya Muqdisho tan iyo dowladdii kacaanka.

Safiirka Shiinaha ee Muqdisho ayaa dhawaan sheegay in Soomaaliya ay kalsooni u muujisay Shiinaha, halka wareysiyadii uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh siiyay Al-jasiira iyo Al-carabiya laga dhadhansanayay in uu bixinayo tilmaan ku saabsan in la xoojiyo xiriirka Shiinaha.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this