Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo soo fara-gelinaya siyaasadda Soomaaliya iyo xogta qorshe socda

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Bin-Salman.webp?fit=1597%2C898&ssl

Riyadh (Caasimada Online) – Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa toddobaadkan galay marxalad cusub, kaddib markii uu si dhakhso ah u kobcay, taas oo la filayo inay saameyn ku yeelato jihada siyaasadeed ee gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Axmed Cali ayaa haatan ku sugan magaalada Riyaad, halka Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka, Mahad Maxamed Salaad, isna la filayo inuu halkaas gaaro saacadaha soo socda.

Labadan mas’uul ayaa hordhac u ah wafdi ballaaran oo uu hoggaamin doono Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo booqasho rasmi ah ku tegi doona Boqortooyada Sucuudiga.

Safarkan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Riyaad, dib-u-eegista iyo dhaqan-gelinta heshiisyadii hore, iyo muujinta mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada istaraatiijiyadda hoggaamineed ee Sacuudiga ee la xiriirta Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in ajandaha kulammada ay ka mid tahay in Boqortooyada Sacuudigu markii ugu horreysay si muuqata u fidiso kaalmo siyaasadeed oo ay siiso Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale miiska saaran in Riyaad ay door ka qaadato isu keenidda dhinacyada siyaasadda Soomaalida, si buuxda u taageerto Dowladda Federaalka, fasaxdo mashaariic horumarineed, isla markaana ay Soomaaliya siiso taageero diblumaasiyadeed iyo mid amni.

Dowladda Soomaaliya ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si cad u taageera hoggaaminta Sacuudiga ee ku wajahan xasillinta Yemen.

Toddobaadkan gudihiisa, Sucuudigu wuxuu wax ka beddelay jihada siyaasadeed ee Yemen, isagoo dalkaas ka saaray ciidamadii Imaaraadka, soo afjaray kala-qaybsanaantii, isla markaana gogol nabadeed u fidiyay dhinacyada ku dagaallamaya.

Soomaaliya ayaa wajahaysa caqabado juqraafi-siyaasadeed oo la mid ah kuwa Yemen, waxaana la filayaa inay ka faa’iidaysato taageerada Sucuudiga oo door weyn ka qaatay badbaadinta Yemen.

The post Sacuudiga oo soo fara-gelinaya siyaasadda Soomaaliya iyo xogta qorshe socda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this