Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Wax kasta oo lagu midoobayo ayaan diyaar u nahay, xataa wadaagga xukunka walaalaha Waqooyi.”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu u jeediyay shacabka Soomaaliyeed kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay waddo Dowladda Federaalka, iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan faro-gelinta shisheeye iyo tallaabooyinka uu ku tilmaamay kuwo ka dhan ah midnimada iyo madaxbannaanida Qaranka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashaneysa shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah, ay qaadeyso tallaabooyin diblumaasiyadeed iyo kuwo sharci si looga hortago xadgudub kasta oo lid ku ah midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dowladdu aysan marnaba ka tanaasuli doonin difaaca qaranimada iyo midnimada dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay dhageysiga, ka garowsiga iyo xal u helidda dhammaan tabashooyinka ka jira Gobollada Waqooyi, isaga oo tilmaamay in midnimada Soomaaliyeed lagu dhisi karo wada-hadal, is-ixtiraam iyo isu-tanaasul.

“Wax kasta oo lagu midoobayo ayaan diyaar u nahay, xataa wadaagga xukunka walaalaha Waqooyi,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirro badan uu la sameeyay hoggaanka Somaliland, isla markaana uu dadaal xooggan geliyay joojinta dagaalladii ka dhacay Gobolka Sool, hase yeeshee uu sheegay in nasiib-darro aysan jirin dhegeysi ku filan.

“Waxaan isku daynay in aan joojino colaadda, balse nala ma dhegeysan. Si kastaba ha ahaatee, xalkeennu wuxuu ku jiraa innaga,” ayuu yiri.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Dowladda Federaalka xoojinayso dadaallada lagu ilaalinayo midnimada dalka, laguna raadinayo xal waara oo siyaasadeed oo ku dhisan wada-hadal iyo isu-tanaasul si loo xaqiijiyo mustaqbal mideysan oo xasilloon.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this