Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN oo jawaab kulul ka soo saartay booqashadii wasiirka Israa’iil uu ku tegay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
Iran-flag-scaled.jpg?fit=2560%2C1580&ssl

Tehran (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa si kulul u cambaareeyay soo-gelitaanka sharci-darrada ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee nidaamka Israa’iil uu ku tegay gobolka Somaliland, isagoo ku tilmaamay xadgudub qaawan oo ka dhan ah madax-bannaanida qaran iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Esmail Baqaei ayaa Arbacadii sheegay in booqashada aan oggolaanshaha haysan ee Gideon Sa’ar, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, uu ku tegay Somaliland ay ka dhigan tahay jebin cad oo lagu sameeyay madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee wasiir arrimo dibadeed oo Israa’iil ah uu ku tago gobolkaas kadib markii nidaamkaasi uu aqoonsaday Somaliland.

Isagoo tixraacaya sida beesha caalamku ugu dhegan tahay ixtiraamka midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya oo ah xubin madax-bannaan oo ka tirsan Qaramada Midoobay, afhayeenka Iiraan ayaa tallaabooyinka Israa’iil ee lu tilmaamay kuwo looga golleeyahay kala-qeybinta Soomaaliya ku tilmaamay “tusaale halis ah” oo kusoo kordhay xiriirka caalamiga ah iyo dhabar-jab weyn oo ku ah aasaaska sharciga iyo xeerarka Qaramada Midoobay.

Baqaei ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in beesha caalamka, dalalka Islaamka, iyo kuwa Afrika ay iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa wiiqitaanka madax-bannaanida qaranka Soomaaliya.

Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay.

Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

Dowladda Federaalka ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

The post IRAN oo jawaab kulul ka soo saartay booqashadii wasiirka Israa’iil uu ku tegay Hargeysa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this