Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo xaaladda dalka ka shirtay kadib mowqifkii Deni ee aqoonsiga Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-1.webp?fit=2048%2C1508&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Ilyaas Cismaan Luugatoor ayaa maanta shir-guddoomiyey shirka Golaha Wasiirada.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah, iyadoo diirada lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, doorka Puntland ee dowlad-dhiska Soomaaliya iyo isbedelka ka socda gobolka, oo loola jeedo aqoonsiga Israel siisay maamulka Somaliland.

Madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in kulanka looga hadlay arrimada gudaha iyo amniga guud ee Puntland, xaaladda abaaraha iyo siyaasadda qurbajoogta oo loo qaybiyay golaha.

Madaxweyne Deni ayaa maalin ka hor xaqiijiyay in aysan marnaba gorgortan ka galayn galayn midnimada Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqaynayso kala-tagga ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu caddeeyey in marka laga hadlayo siyaasadda dalka, Puntland ay qayb ka tahay Golaha Mustaqbalka, isla markaana ay leedahay siyaasado iyo qorshayaal ku aaddan doorashooyinka iyo geeddi-socodka siyaasadeed. Wuxuuna adkeeyey in Puntland aysan aqbalayn muddo-kororsi, ayna arrintaas ka leedahay go’aanno cad oo horey u yaalla.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Madaxtooyada:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Luugatoor, ayaa shir-guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay:

  1. Wadatashiyada socda ee xaaladda guud ee Soomaaliya, Doorka Puntland ee Dowlad-dhiska Soomaaliya iyo Isbedelka ka socda Gobolka.
  2. Arrimaha gudaha iyo Amniga Guud ee Puntland.
  3. Goluhu wuxuu ka hadlay xaaladda Abaarta ee Puntland, iyo sida looga jawaabay ilaa iyo hadda, iyadoo lasoo bandhigay sida ay u socoto Biyo-dhaanka, Calaf-siinta Xoolaha iyo gargaarka loo sameeynayo dadka Abaartu saameeysay.
  4. Ugu danbeyn waxaa Golaha loo qeybi yey oo ay soo akhri naayaan siyaasadda Qurbo-joogta Puntland, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, taasi oo ku saleysan horumarinta xiriirka Qurba-joogta si la jaanqaadaysa wadamada horumary ee dimuqraadiga ah.

Waxaa looga mahadceliyay Qurba-joogta Puntland doorkooda wanaagsan ee muhim ka ah.

613560659_1428241548658183_1572916688236

The post Puntland oo xaaladda dalka ka shirtay kadib mowqifkii Deni ee aqoonsiga Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this