Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweynaha xisbiga Haybad Qaran oo caawa ka furmay Muqdisho + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
614041620_122111122803146114_67976505103

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furmay shirweynaha xisbiga Midowga Haybad Qaran.

Shirweynahan ayaa waxaa ka qeyb-galay madax hore iyo siyaasiyiin badan oo dhawaan ku midoobay xisbigan cusub ee Haybad Qaran, kaasi oo door muuqda ka qaadanaya siyaasadda dalka.

Xisbigan ayaa waxaa musharax u ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo ay hoggaanka sare ay ka mid yihiin:

  • Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed
  • Mudane Cabdirasaaq Khaliif Axmed
  • Mudane Cabdi Aadan Hoosoow
  • Mudane Dr. Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale)
  • Mudane Dr. Guuleed Saalax Barre
  • Mudane Ducaale Aadam Maxamed
  • Mudane Faarax Calı Shıre
  • Mudane Taabid Cabdi Maxamed
  • Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Inta badan siyaasiyiinta ka qeyb-galaya shirkan ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ugu dambeeyay Agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo Talaadadii soo yimid magaalada Muqdisho.

Isbaheysigan cusub ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho loolanka siyaasadeed iyo doorashooyinka soo aaddan ee dalka, marka la eego miisaanka xubnaha ku jira ee ku midoobay.

Si kastaba, shirweynahan ayaa imanaya xilli ay xiisadda siyaasadeed ee dalka mareyso meel sare, isla markaana ay mucaaradka iyo hoggaanka dowladda ku kala tageen hanaanka doorashooyinka dalka, xilli ay billooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

614041620_122111122803146114_67976505103

612935252_122111122611146114_90442229958

612549627_122111122845146114_19132028934

612619942_122111122683146114_39354159695

613359603_122111123019146114_24293741707

612580800_122111123097146114_30217152551

612516016_122111122989146114_54547012273

613408665_122111123157146114_29058490455

613137651_122111122929146114_13623476359

613737059_122111123325146114_32416618097

612467927_122111123355146114_68998603363

The post Shirweynaha xisbiga Haybad Qaran oo caawa ka furmay Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this