Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xasan oo shaaciyay qorshaha ay DF ku wajaheyso aqoonsiga Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-2.webp?fit=2048%2C1365&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, iyo xad-gudubka Israa’iil oo sheegtay inay aqoonsatay maamulka Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dheeraaday dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay dowladdu ku wajahayso faro-gelinta shisheeye iyo tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, taasi oo uu ku kacay maamulka Israa’iil.

Wuxuu tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa shacabkeeda iyo saaxiibadeeda caalamka ay qaadayso tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo sharci oo looga hortagayo xad-gudub kasta oo ka dhan ah midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Soomaaliya ma aha dal la qaybin karo, la qabsan karo ama la iibsan karo, waxba nagama faa’iideysaan keliya waxa siu kordhaya go’doonka aad caalamka kaga jirteen,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu xusay in aqoonsi ku sheega Israa’iil ee Somaliland uu huwan yahay qorshe halis badan oo Israa’iil ku dooneyso dhul ballaarsi, uuna halis ku yahay amniga gobolka.

“Ujeedada aqoonsi ku sheegaas waa danta Israa’iil, oo raadineysa dhul ay isku ballaariso, oo ay si sharci darro ah ugu soo rarto shacabka reer Falastiin ee dhulkooda ay boobtay, kana dhisto saldhigyo milatari, oo qalqal geliya amniga gobolka Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo guud ahaan Bariga Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka ay wax walba diyaar ula tahay midnimada, isagoo madaxda maamulka Somaliland ugu baaqay wada-hadal dhab ah oo lagu xalinayo wax walba oo jira.

“Dowladda Federaalka wax kasta wey u hureysa in midnimo la helo, haddii ay tahay garowshiyo, haddii ay tahay xaq dhiibid, haddii ay tahau xukun baahin iyo walaalo midoobay oo xoog mideysan hela diyaar ayaa u nahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo muuqaalka

The post Daawo: Xasan oo shaaciyay qorshaha ay DF ku wajaheyso aqoonsiga Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this