Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland iyo wixii lagaga wada hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃

Fadhigii 49-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Fadhigii 49-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:

1. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐰𝐪𝐚𝐚𝐟𝐭𝐚 𝐉𝐒𝐋:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin waafi ah ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi Baashe Daahir Jaamac, isaga ka hadlay doorka Wasaaradda ee ku aaddan Wacyigelinta bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan xilligan taariikhiga ah ee uu bilaabmay aqoonsiga bulshada Caalamka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirku waxa uu si weyn u bogaadiyey Culimada Sharafta leh ee Somaliland, isaga oo xusay Masuuliyadda iyo doorka wacan ee ay Culimada reer Somaliland ka qaateen difaaca qaddiyadda ictiraafka Qaranka JSL.

Dhanka kale, Wasiirku waxa uu si cad u diiday una cambaareeyey faragelinta qaawan ee Culimada Soomaaliya ee arrimaha diinta ku gabbanaya, kuna tilmaamay mid siyaasadaysan oo ka baxsan mabaadi’da Islaamka, isla markaana aan waxba ka beddelayn xaqa Jamhuuriyadda Somaliland ee go’aaminta masiirkeeda iyo xidhiidhada ay Jamhuuriyadda Somaliland la yeelanayso bulshada Caalamka. Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in aqoonsiga ay Dawladda Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid xaq ah oo aan haba yaraatee wax u dhimayn Diinta iyo Caqiidada Islaamka ee ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.

2. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐞𝐟𝐭𝐢 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨 𝐚𝐡 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐝:

Waxa Golaha uga xog warramay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta, Mudane Xuseen Axmed Caydiid, isaga oo sheegay in wefti ka kooban hawl-wadeennno badan oo ka tirsan Xukuumadda (Wasiirro, Agaasimeyaal Guud, Agaasime Waaxeedyo, iwm) ay safar shaqo ku tageen Gobolka Hawd, isla markaana ay soo kormeereen Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolku.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay u kuur-galeen xaaladda guud iyo baahiyaha aasaasiga ah ee haysta bulshada ku nool Gobolka Hawd, iyaga oo kulanno kala duwan la yeeshay maamulka iyo bulshada deegaanka, taasi oo diiradda lagu saaray adeegyada biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo saamaynta ba’an ee ay Abaaruhu ku yeesheen nolosha bulshada iyo xoolaha Gobolka Hawd. Wasiirku waxa uu sheegay in baahiyaha degdegga ah iyo arrimaha mudnaanta leh loo gudbin doono Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda ee ay khusayso si wax looga qabto.

3. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐨𝐬𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, Mudane Xasan Axmed Yuusuf (Macallin), isaga oo sheegay in uu kormeer ballaadhan ku tagay 63 degmo oo ka tirsan dalka, isaga oo si dhow u qiimeeyey xaaladda nololeed ee bulshada, heerka adeegyada aasaasiga ah iyo caqabadaha ka jira degmooyinkaasi. Wasiirku waxa uu xusay baahiyo degdeg ah oo la xidhiidha biyo, caafimaad, waxbarasho iyo kaabayaal, isla markaana Wasiirku waxa uu iftiimiyey saamaynta ba’an ee ay abaartu ku yeelatay nolosha dadka iyo xoolaha nool, isaga oo ku baaqay in Qaranka JSL iyo Guddida Gurmadka Abaaraha Heer ay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda sii adkaanaysa ee ay ku sugan yihiin dadka iyo xoolahaba.

5. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐂𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Mudane Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax, isaga oo sheegay in Koobka Horyaalka Horyaallada Naadiyada Kubadda Cagta ee ka socda Berbera uu u socdo si habsami leh, isla markaana uu yahay mid si wanaagsan loo soo agaasimay.

Wasiirku waxa uu xusay wada-shaqayn buuxda oo ka dhexaysa hay’adaha amniga, maamulka Gobolka Saaxil, maamulka Degmada Berbera iyo bahda ciyaaraha, si loo xaqiijiyo nabadgelyo, tartan hufan iyo dhiirrigelinta horumarinta ciyaaraha Qaranka. Wasiirku waxa uu sheegay in ciyaarahani ay soo jiiteen bulsho aad u badan, gudaha iyo dibeddaba, daawashadooduna ay kor u kacday (2.5 Million Viewers).

6. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚, 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐜𝐲𝐢𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, ahna ku-simaha Wasiirka, Muuse Askar Guuleed, isaga oo sheegay doorka muhiimka ah ee ay Wasaaraddu ka qaadatay faafinta, habaynta iyo gudbinta wararka iyo xogaha rasmiga ah ee la xidhiidha aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay si dhow u kor-joogtayso (monitoring) wararka iyo xogaha ay Warbaahinta Caalamku ka qoraan ama ka tabiyaan arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in ay Wasaaraddu xaqiijisay in warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinta madaxa bannaan ee u taagan difaacidda Qarannimada JSL ay si isku-duuban, hufan oo ay masuuliyadi ku jirto u tebiyey arrintan, iyada oo la xoojinayo wacyigelinta bulshada, difaaca xaqa Somaliland iyo gaadhsiinta caalamka fariinta Qaranka.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu si gaar ah u xusay qaabka dal-jacaylka iyo naf-hurnimada leh ee ay muujiyeen Warbaahinta Madaxa-bannaan iyo dadka baraha bulshada saameynta ku leh ee
Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo ay si weyn ugu ammaanan yihiin.

Wasiirku waxa kale oo uu xusay in Wasaaraddu ay samaysay suugaan kala duwan oo lagu xoojinayo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo midnimada bulshada, sidoo kalena loogu jawaabayo cadowga kala duwan ee ka soo horjeeda Qarannimada JSL iyo Aqoonsiga aynu helnay.

7 . 𝐃𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝:

Waxa halkeedii ka sii socotay dooddii uu Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Qaranka ee Maamulka Dhulka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ujeedadeedu tahay dejinta nidaam maamul dhuleed oo hufan, ku dhisan caddaalad, isla markaana ka jawaabaya baahiyaha bulshada ee sii kordhaya.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this