Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland iyo wixii lagaga wada hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

๐–๐€๐‘ ๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ

Fadhigii 49-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Fadhigii 49-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada waxa lagaga wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:

1. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฐ๐ช๐š๐š๐Ÿ๐ญ๐š ๐‰๐’๐‹:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin waafi ah ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi Baashe Daahir Jaamac, isaga ka hadlay doorka Wasaaradda ee ku aaddan Wacyigelinta bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan xilligan taariikhiga ah ee uu bilaabmay aqoonsiga bulshada Caalamka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirku waxa uu si weyn u bogaadiyey Culimada Sharafta leh ee Somaliland, isaga oo xusay Masuuliyadda iyo doorka wacan ee ay Culimada reer Somaliland ka qaateen difaaca qaddiyadda ictiraafka Qaranka JSL.

Dhanka kale, Wasiirku waxa uu si cad u diiday una cambaareeyey faragelinta qaawan ee Culimada Soomaaliya ee arrimaha diinta ku gabbanaya, kuna tilmaamay mid siyaasadaysan oo ka baxsan mabaadiโ€™da Islaamka, isla markaana aan waxba ka beddelayn xaqa Jamhuuriyadda Somaliland ee goโ€™aaminta masiirkeeda iyo xidhiidhada ay Jamhuuriyadda Somaliland la yeelanayso bulshada Caalamka. Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in aqoonsiga ay Dawladda Israaโ€™iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay mid xaq ah oo aan haba yaraatee wax u dhimayn Diinta iyo Caqiidada Islaamka ee ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.

2. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐ž๐Ÿ๐ญ๐ข ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ ๐š๐ก ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฒ ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐‡๐š๐ฐ๐:

Waxa Golaha uga xog warramay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta, Mudane Xuseen Axmed Caydiid, isaga oo sheegay in wefti ka kooban hawl-wadeennno badan oo ka tirsan Xukuumadda (Wasiirro, Agaasimeyaal Guud, Agaasime Waaxeedyo, iwm) ay safar shaqo ku tageen Gobolka Hawd, isla markaana ay soo kormeereen Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolku.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay u kuur-galeen xaaladda guud iyo baahiyaha aasaasiga ah ee haysta bulshada ku nool Gobolka Hawd, iyaga oo kulanno kala duwan la yeeshay maamulka iyo bulshada deegaanka, taasi oo diiradda lagu saaray adeegyada biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo saamaynta baโ€™an ee ay Abaaruhu ku yeesheen nolosha bulshada iyo xoolaha Gobolka Hawd. Wasiirku waxa uu sheegay in baahiyaha degdegga ah iyo arrimaha mudnaanta leh loo gudbin doono Wasaaradaha iyo Hayโ€™adaha Xukuumadda ee ay khusayso si wax looga qabto.

3. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐š๐ก๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, Mudane Xasan Axmed Yuusuf (Macallin), isaga oo sheegay in uu kormeer ballaadhan ku tagay 63 degmo oo ka tirsan dalka, isaga oo si dhow u qiimeeyey xaaladda nololeed ee bulshada, heerka adeegyada aasaasiga ah iyo caqabadaha ka jira degmooyinkaasi. Wasiirku waxa uu xusay baahiyo degdeg ah oo la xidhiidha biyo, caafimaad, waxbarasho iyo kaabayaal, isla markaana Wasiirku waxa uu iftiimiyey saamaynta baโ€™an ee ay abaartu ku yeelatay nolosha dadka iyo xoolaha nool, isaga oo ku baaqay in Qaranka JSL iyo Guddida Gurmadka Abaaraha Heer ay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda sii adkaanaysa ee ay ku sugan yihiin dadka iyo xoolahaba.

5. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‚๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Mudane Axmed-Yaasiin Maxamed Faarax, isaga oo sheegay in Koobka Horyaalka Horyaallada Naadiyada Kubadda Cagta ee ka socda Berbera uu u socdo si habsami leh, isla markaana uu yahay mid si wanaagsan loo soo agaasimay.

Wasiirku waxa uu xusay wada-shaqayn buuxda oo ka dhexaysa hayโ€™adaha amniga, maamulka Gobolka Saaxil, maamulka Degmada Berbera iyo bahda ciyaaraha, si loo xaqiijiyo nabadgelyo, tartan hufan iyo dhiirrigelinta horumarinta ciyaaraha Qaranka. Wasiirku waxa uu sheegay in ciyaarahani ay soo jiiteen bulsho aad u badan, gudaha iyo dibeddaba, daawashadooduna ay kor u kacday (2.5 Million Viewers).

6. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐–๐š๐ซ๐Ÿ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š, ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š:

Waxa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, ahna ku-simaha Wasiirka, Muuse Askar Guuleed, isaga oo sheegay doorka muhiimka ah ee ay Wasaaraddu ka qaadatay faafinta, habaynta iyo gudbinta wararka iyo xogaha rasmiga ah ee la xidhiidha aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay si dhow u kor-joogtayso (monitoring) wararka iyo xogaha ay Warbaahinta Caalamku ka qoraan ama ka tabiyaan arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in ay Wasaaraddu xaqiijisay in warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinta madaxa bannaan ee u taagan difaacidda Qarannimada JSL ay si isku-duuban, hufan oo ay masuuliyadi ku jirto u tebiyey arrintan, iyada oo la xoojinayo wacyigelinta bulshada, difaaca xaqa Somaliland iyo gaadhsiinta caalamka fariinta Qaranka.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu si gaar ah u xusay qaabka dal-jacaylka iyo naf-hurnimada leh ee ay muujiyeen Warbaahinta Madaxa-bannaan iyo dadka baraha bulshada saameynta ku leh ee
Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo ay si weyn ugu ammaanan yihiin.

Wasiirku waxa kale oo uu xusay in Wasaaraddu ay samaysay suugaan kala duwan oo lagu xoojinayo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo midnimada bulshada, sidoo kalena loogu jawaabayo cadowga kala duwan ee ka soo horjeeda Qarannimada JSL iyo Aqoonsiga aynu helnay.

7 . ๐ƒ๐จ๐จ๐๐๐š ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐:

Waxa halkeedii ka sii socotay dooddii uu Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Qaranka ee Maamulka Dhulka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ujeedadeedu tahay dejinta nidaam maamul dhuleed oo hufan, ku dhisan caddaalad, isla markaana ka jawaabaya baahiyaha bulshada ee sii kordhaya.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this