Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka golaha wasiiradda Puntland oo looga hadlay afar qodob

Recommended Posts

Deeq A.   
1000117586-1440x960.jpg

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo weheliyo ku-xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan ay yeesheen golaha wasiirrada, kaas oo looga hadlay dhowr qodob.

Qoraal ka baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in shirka looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, doorka Puntland ee dowladd dhiska Soomaaliya iyo isbedelada ka socda gobolka oo loola jeedo aqoonsiga Israa’iil siisay maamulka Somaliland.

Sidoo kale waxaa la sheegay in kulanka looga hadlay arrimada gudaha & amniga guud ee Puntland, xaaladda abaaraha iyo siyaasadda qurbajoogta oo loo qaybiyay golaha, taas oo ay soo diyaarisay wasaaradda qorsheynta Puntland.

1000117577-1015x1440.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this