Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Ka Jawaabtay Warbixin Ka Soo Baxday Mareykanka Kuna Saabsan Bakhaarka WFP

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si buuxda ula socoto war-saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, kaas oo la xiriiray eedeymo ku saabsan bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP).

Bayaan ay soo saartay dowladda ayaa lagu caddeeyay in dhammaan agabka gargaarka ee lagu xusay wararkaasi ay weli ku jiraan gacanta iyo maamulidda Hay’adda WFP, isla markaana ay ku jiraan kaalmooyin ay bixiso Dowladda Mareykanka.

Dowladda ayaa meesha ka saartay wax kasta oo muujinaya in agabkaasi laga farageliyay ama laga leexiyay ujeeddooyinkii loogu talagalay.

Dowladdu waxay sidoo kale faahfaahin ka bixisay in bakhaarka WFP ee la hadal-hayo uu ku yaallo gudaha aagga Dekedda Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan hawlo ballaarin iyo dib-u-habeyn ah oo qayb ka ah qorshaha horumarinta dekedda.

Sida lagu sheegay bayaanka, hawlahaasi wax saamayn ah kuma yeelan haynta, maamulidda, ama gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimo.

Iyadoo laga jawaabayo walaacyada ka dhashay shaqooyinka ballaarinta dekedda, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay arrintan si qoto dheer u eegayso, iyadoo loo marayo guddi farsamo oo ka kooban hay’ado kala duwan, isla markaana si dhow ula shaqeynaya hay’adaha gargaarka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta mabaadi’da bani’aadamnimo, daahfurnaan iyo isla-xisaabtan, iyadoo muujisay inay aad u qiimeyneyso iskaashiga kala dhexeeya Dowladda Mareykanka iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this