Sign in to follow this  
Deeq A.

Dubbe oo ka dagay Hargeysa: Idin kamaan maqnayne waa idin maqnaa

Recommended Posts

Deeq A.   
611162634_1415974019892674_4944423503973

Hargeysa (Caasimada Online) –  Siyaasiga caanka ah ee Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, iyada oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladaasi.

Dubbe ayaa hadal kooban siiyay warbaahinta, wuxuuna sheegay inuu u maqnaa Somaliland, isla markaana uu soo laabtay “Idin kamaan maqnaynee waa idin maqnaa” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu ka hadlay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isaga oo si weyn usoo dhaweeyay, wuxuuna u jawaabay dadka kasoo horjeedo.

“Kuwa meelaha wax kusoo qor qora, waxaanu leenahay Israa’iil iyo Mareykanka waa libaaxyo” ayuu mar kale yiri Cismaan Abuukar Dubbe.

Sidoo kale, waxaa la filayaa inuu kulmo madaxda Somaliland, kadibna uu la hadlo bulshada, isaga oo waydiisan doono wax ay loogu yeeray ‘caafis’ guud.

Ninkan ayaa dhawaan iska casilay Senatornimadii Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna si cad u sheegay inuu ka laabtay qaddiyada midnimada ee uu  u joogay magaalada Muqdisho.

Cismaan Abuukar Dubbe ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka, wuxuuna horay usoo noqday Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, xilligii Madaxweyne Farmaajo, waxaana go’aankiisa si wayn uga falceliyay dadweynaha Soomaaliyeed, maadaama uu kusoo aaday xilli xasaasi ah, oo ay taagan tahay xiisada ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Si kastaba, ha’ahaatee waxaa horay sidaan oo kale Hargeysa ugu laabtay mas’uuliyiin ka tegay Xamar, waxaana ugu dambeeyay wasiirkii hore ee maaliyadda, Cabdiraxmaan Bayle oo hadda la shaqeeya Madaxweyne Cirro.

The post Dubbe oo ka dagay Hargeysa: Idin kamaan maqnayne waa idin maqnaa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this