Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee looga fal-celiyay go’aanka Mareykanka ku joojiyay taageeradii Somalia?

Recommended Posts

Deeq A.   
Presient-Donald-Trump--scaled.webp?fit=2

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay go’aan culus oo xalay kasoo baxay dowladda Mareykanka, kaas oo lagu hakiyay dhamaan barnaamijyada kaalmada Mareykanka ee Soomaaliya, iyadoo sabab uga dhigtay eedeymo sheegaya in saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ay burburiyeen bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) oo uu Mareykanku maalgeliyo, islamarkaana ay la wareegeen raashin gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah. 

Bayaanka oo kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Washington ay “walaac xooggan” ka qabto wararka tilmaamaya in saraakiishu “burburiyeen bakhaar WFP leedahay, si sharci-darro ahna u qaatay 76 tan oo raashin gargaar ah oo deeq-bixiyeyaal ugu talagaleen Soomaalida nugul.”

Sidoo kale, bayaanka ayaa intaas ku daray in maamulka Trump “uusan marnaba u dulqaadan doonin” waxa uu ugu yeeray “is-daba-marinta, xatooyada, iyo leexsashada gargaarka nolosha badbaadiya.”

Waxaa kale oo bayaanka lagu caddeeyay in dib u bilaabidda gargaarka ay ku xirnaan doonto in Dowladda Federaalka ay “qaadato mas’uuliyadda falalkaas aan la aqbali karin, islamarkaana ay qaaddo tallaabooyin sax ah oo lagu xallinayo arrinta.”

Washington ayaa horay u hakisay taageero gaar ah oo ay siin jirtay ciidamada amniga Soomaaliya sababo la xiriira isla arrimo ku saabsan la-xisaabtanka.

Haddaba sidee looga fal-celiyay go’aanka Mareykanka ku joojiyay taageeradii Somalia?

Maxamed Yuusuf: “Waaa lagu ogaa inuu qaadan doono qaraar saas u adag, waana laga maarmi doonaa”.

Axmed Xubsi: “Go’aankii ugu saxnaa ayuu qaatay balse taasi waxey niyadjab weyn ku noqon doontaa madaxweynaha Soomaaliya”.

Sukhra Maxamed: “Car ka jawaaba eedeyntaas iyo ceebta tuugnimada ah kuma dhacaan way baqayaan”.

Cumar Afrax: “Yaa la siiyaa gargaar waan yaabnaye ar Mareykanaa!?”.

Zakariye Nuur: “Meeshaan Galeyda qalashay lagu aruuriyo ee marka beeraleyda wax soo saaran suuqa la geeyo hala burburiyo iyagana hala ceersho”.

The post Sidee looga fal-celiyay go’aanka Mareykanka ku joojiyay taageeradii Somalia? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this