Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaamiyihii golaha koonfurta Yemen oo ‘isku maray Berbera iyo Muqdisho’ kadibna…

Recommended Posts

Deeq A.   
612462675_906805075213996_16883074800187

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbaahaysiga uu hoggaamiyo Sucuudiga ee dalka Yemen oo bayaan culus soo saaray ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqii ugu dambeeyay hoggaamiyihii golaha koonfurta Yemen (STC) Caydaruus Al-Zubaydi oo ay taageerayeen Imaaraadka Carabta, kaas oo shalay baxsaday, xilli laga sugayay inuu tago magaalada Riyadh oo Sacuudiga uu dhigay gogol ay ku wadahadlayaan dhinacyada koonfurta Yemen.

Kooxda wadajirka ah ee ka howlgasha Yemen ayaa bayaankeeda ku sheegtay war xasaasi ah oo ku aadan in Caydaruus Al-Zubaydi uu ‘isku maray magaalooyinka Berbera iyo Muqdisho’,kadibna uu sidaas ku gaaray Abu Dubai.

Sida lagu sheegay qoraalka hoggaamiyaha koonfurta Yemen (STC) ayaa Cadan uga baxay doon, isaga oo ku tegay magaalada Berbera, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiil Imaaraati ah oo kusii qaaday diyaarad gaar ah oo u duushay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Isbaheysigu wuxuu qoraalkiisa ku caddeeyay in daqiiqado ku hakaday garoonka Aadan Cadde, kadibna safarkiisa uu ku gaaray dalka Imaaraadka Carabta, iyada oo la aamisan yahay in diyaaraddu safarkaas ku jirtay damisay nidaamkeeda aqoonsiga hawada, si aan loola socon dhaqdhaqaaqeeda.

Dhacdadan ayaa xiisad hore leh sii gelinaysa dowladda Soomaaliyeed oo horay ula safatay Sucuudi Careebiya, iyada oo taageertay hoggaamintiisa arrimaha Yemen, waxayna dhanka kale kasoo horjeesatay dhaq-dhaqaaqa Imaaraadka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan arrinta hoggaamiyaha golaha koonfurta Yemen (STC) ee la sheegay inuu isku maray magaalooyinka Muqdisho iyo Berberka, kadibna tegay Dubai.

Isbeddelka ka dhacay Yemen, wuxuu  durbo dhaliyay inuu Sacuudiga dib u billaabo duqeymo ka dhan ah STC . Arrintaas waxaa barbar socday go’aan ka soo baxay Golaha Hoggaaminta Madaxtooyada Yemen oo ah isbahaysi ay ku mideysnaayeen dhinacyada koonfurta Yemen ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ay kala taageeraan, kaas oo lagu dhawaaqay in laga qaaday xubinnimadii golaha madaxtooyada ee hoggaamiyaha STC, Caydaruus Al-Zubaydi.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in xaaladda Yemen ay gashay marxalad cusub oo sii xoojinaysa khilaafka, kaddib markii meesha laga saaray isku-daygii Sacuudiga uu ku doonayay in Yemeniyiintu ku gaaraan gogogasha uu dhigay Riyadh, wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed.

The post Hogaamiyihii golaha koonfurta Yemen oo ‘isku maray Berbera iyo Muqdisho’ kadibna… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this