Sign in to follow this  
Deeq A.

Muungaab oo soo saaray amar culus oo lagu burburinayo guryaha ku yaalla…

Recommended Posts

Deeq A.   
Muungaab-scaled.webp?fit=2560%2C1811&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta dhagax dhigay waddada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ayaa amray in la burburiyo dhammaan guryaha soo galay jidkaasi.

Muungaab oo hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay in maanta kadib uusan aqbali doonin in dukumintiyo been abuur ah loola yimaado, si loo hor istaago dhismaha waddada Jamhuuriya oo muddo dheer burbursan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in guri kasta oo ay soo gasho waddada cagta la marinayo, ayna calaameeyeen guryaha sharci darrada ah ee ku yaalla halkaas.

“Guri kasta oo waddada Jamhuuriya saaran anigaa kansal gareeyay, warqad been been ayaan haystaa cid aan ka yeelaayo malahan, haddana go’aan ayaan soo saarayaa” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Rinji ayaan marinaya laamiga qofka uu ku yimaado 30-ka mitir ama 25-ka mitir cidda uu ku yimaado labada qaybood ee waddada jaraafada jug ayaa lagu siinaaa xittaa lama sugaayo”.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale amar buuxa siiyay maamulka degmada Kaaraan iyo ciidanka amniga, wuxuuna faray inay soo xiraan cid kasta oo ka hortimaada amarkiisa, isla markaana hor istaagta dhismaha waddada.

“Booliska iyo maamulka degmada waxa ay amar ku qabaan ciddii haba yaraatee carqaladeyso inay soo qabtaan oo ay soo xiraan kadibna maxkamadda iyo cadaaladda ay horgeeyaan” ayuu mar kale yiri Muungaab.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maalmahan dambe waday qorshe guud oo lagu hormarinayo caasimada, waxaana dib loo dhisay waddooyin muhiim ah.

The post Muungaab oo soo saaray amar culus oo lagu burburinayo guryaha ku yaalla… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this