Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo soo saartay go’aanno culus oo la xiriira…

Recommended Posts

Deeq A.   
612382001_1480357507432960_8385394201628

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaanka sare ee maamulka Somaliland oo dhawaan uun heshiis rasmi ah la galay Israa’iil, soona dadajiyay aqoonsiga uu siiyay Ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo lagu xoojinayo ammaanka guud ee magaalada caasimada ah ee Hargeysa.

Taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland iyo maamulka Hargeysa ayaa isugu yimid shir ballaaran oo looga hadlay ammaanka caasimada, waxaana guddoomiyay Taliyaha Booliska Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, iyada oo uu goobjoog ahaayeen duqa caasimada Cabdikariim Axmed Mooge iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Hargeysa, kuwaas oo si qoto dheer u lafa-guray xaaladda amni ee magaalada iyo caqabadaha jira.

Shirkan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha amniga iyo dowladda hoose, iyada oo lagu dajiyay allaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu adkaynayo sugidda amniga, isla markaana lagu hubinayo nabadgelyada, xasilloonida guud ee caasimada.

Sidoo kale waxaa shirka laga soo saaray go’aanno istaraatiiji ah oo lagu horumarinayo qorshayaasha amniga, si loo bixiyo dadaalo wadajir ah.

Waxaa kale oo lasii adkeeyay feejignaanta Ciidamada iyagoo garabka helaya dowladda hoose ee caasimadda, gaar ahaan xafiiska nabadgelyada DHH.

Maalmihii u dambeeyay Somaliland ayaa kordhisay howlgallada lagu sugayo amniga, maadaama wufuud kala duwan ay ku qulquleyso magaaladaasi, tan iyo markii ay Israa’iil ku dhawaaqday inay aqoonsi buuxa siisay maamulkaasi.

Todobaadkan waxaa magaaada Hareysa booqasho ku tegay wafdi culus oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, kaas oo wada-hadallo la yeeshay madaxweyne Cirro iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Si kastaba, tallaabooyinkan is xig-xigay ee ay qaaday Israa’iil ayaa waxa ay sii huriyeen xiisadda diblumaasiyadeed ee ka taagan dalka, waxaana si weyn u cambaareysay dowladda federaalka Soomaaliya oo horay u diiday aqoonsiga.

612382001_1480357507432960_8385394201628 612661863_1480357494099628_3046794317665 612852079_1480357577432953_3552609280335 613074633_1480357504099627_4412216797293

The post Somaliland oo soo saartay go’aanno culus oo la xiriira… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this