Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo joojiyay dhamaan gargaarkii la siin jiray dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

710eadff-801b-4d84-bafc-8a823254571d.jpg

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa Arbacadii ku dhawaaqday, inay hakisay dhammaan gargaarkii Mareykanka ee la siin jiray dowladda Soomaaliya, iyadoo sababta ay ku sheegtay dhacdo la sheegay oo ah in saraakiil ka tirsan dalka ay burburiyeen bakhaar ay lahayd Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) isla markaana ay kala baxeen 76 metric tan oo gargaar cunto ah oo loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed ee nugul.

“Maamulka Trump uma dulqaadan doono dayacaad, xatooyo, iyo leexinta gargaarka,” ayay wasaaraddu ku tiri qoraal ay ku daabacday barta X.

Mareykanka ayaa sanadkii hore ku deeqay in ka badan 2 bilyan oo doolar Hay’adda Cuntada Addunka (WFP), oo ah hay’adda hormuudka u ah gargaarka bini’aadanimada adduunka, isaga oo gargaar cunto oo degdeg ah siiya malaayiin dad ah oo ay saameeyeen dhibaatooyin kala duwan, sida gaajo, colaad ama musiibooyin dabiici ah.

WFP ayaa bishii Oktoobar ee la soo dhaafay ka digtay dhibaato gaajo oo sii xumaanaysa, taas oo qayb ahaan ay sabab u tahay joojinta maalgelinta oo keentay in tiro yar oo Soomaali ah ay helaan gargaar iyo heerarka xaaladaha nafaqo-darada oo kordhay.

Soomaaliya, weli lama oga gargaarka kale ee ay arrintan saameyn ku yeelan karto ama muddada ay qaadan doonto.

Capitol Hill ayaa la xiriiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda, siu u u helo macluumaad dheeraad ah.

“Dib u bilaabidda bixinta gargaar kasta waxay ku xirnaan doontaa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qaadata mas’uuliyadda falalkeeda ee aan la aqbali Karin, isla markaana qaada tallaabooyin wax ku ool ah,” ayay wasaaraddu ku tiri bayaan ay soo saartay.

Go’aanka maamulka Trump ayaa imaanaya iyadoo ay sii korhayaan weerarada ka dhanka ah soogaalootiga sharci darrada ah ee Soomaalida ah eek u nool Mareykanka.

Trump wuxuu soo hakiyay sharciga ku meel gaarka ah ee loogu talagalay dadka Soomaalida ah ee deggan Minnesota dabayaaqadii bishii November, isaga oo sheegay in gobolku uu noqday “xarunta lacagaha been abuurka ah”.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this