Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay qaybo ka mid ah bulshada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
1000116952-1440x1060.jpg

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay qaybo ka mid ah bulshada Puntland ee ku sugan magaalada Garowe, kuwaas oo inta badan taageersan siyaasadiisa.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyo doorka Puntland ee dowladd dhiska Soomaaliya, sida lagu sheegay madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay isbedelada sida xowliga ah uga socda gobolka oo loola jeedo aqoonsiga Israa’iil siisay maamul Somaliland.

Waxaa la sheegay in madaxweynaha Puntland sii wadi doono kulamo uu la yeellanayo goleyaasha dowladda, siyaasiyiinta, haldoorka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si aragtida iyo tallooyinka kulamadaasi ka soo baxa loogu saleeyo go’aamada masiiriga ah ee sowladda Puntland ee ku saabsan marxaladda dalku marayo.

Kulamadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo aysan weli dowladda Puntland caddeyn mowqifkeeda ku aadan go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland.

1000116953-1440x960.jpg 1000116954-1440x960.jpg 1000116955-1440x960.jpg 1000116956-1440x960.jpg 1000116957-1440x960.jpg 1000116958-1440x960.jpg 1000116959.jpg 1000116960-1440x960.jpg 1000116961-1440x960.jpg 1000116967-1440x960.jpg 1000116969-1440x960.jpg 1000116970-1440x960.jpg 1000116976.jpg 1000116974-1440x960.jpg 1000116973-1440x960.jpg 1000116977-1440x960.jpg 1000116975-1440x960.jpg 1000116982-1440x1249.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this