Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo la kulmay xildhibaano Puntland iyo kuwa Federaal

Recommended Posts

Deeq A.   
1000117354-1440x960.jpg

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo weheliyo ku-xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xalay xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Puntland iyo qaar ka mid ah xildhibaannada Puntland ku metela labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland.

Waxaa kulanka ka qeybgalay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Puntland Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), madaxweynihii hore ee Puntland senator Cabdiraxmaan Faroole iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa sida la sheegay sii wadi doono kulamo uu la yeellanayo goleyaasha dowladda, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si aragtida iyo tallooyinka kulamadaas ka soo baxa loogu saleeyo go’aamada masiiriga ah ee Puntland ee ku saabsan marxaladda dalku marayo, taas oo loola jeedo go’aanada Puntland ka qaadanayso arrimaha doorashooyinka federaalka ee lagu muransan yahay iyo aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland.

1000117355-1440x1008.jpg 1000117357-1440x1093.jpg 1000117358-1440x960.jpg 1000117359-1440x960.jpg 1000117360-1440x960.jpg 1000117374-1440x960.jpg 1000117378-1440x960.jpg 1000117361-1440x960.jpg 1000117371-1440x960.jpg 1000117372-1440x960.jpg 1000117363-1440x960.jpg 1000117377-1440x960.jpg 1000117366-1440x960.jpg 1000117376-1440x960.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this