Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha golaha koonfurta Yemen oo la sheegay inuu u baxsaday Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
612462675_906805075213996_16883074800187

Cadan (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Yemen ayaa sheegaya in dalkaasi uu ka baxsaday hoggaamiyihii golaha koonfurta Yemen (STC) Caydaruus Al-Zubaydi oo ay taageeraan Imaaraadka Carabta, xilli laga sugayay inuu tago magaalada Riyadh oo Sacuudiga uu dhigay gogol ay ku wadahadlayaan dhinacyada koonfurta Yemen.

Sida uu Al Arabiya u sheegay Xuseen Baahamil oo ka tirsan golaha dhaq-dhaqaaqa koonfurta Yemen, hoggaamiye Caydaruus Al-Zubaydi ayaa u soo baxsaday dhanka maamulka Somaliland, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu tegay magaalada Berbera, halkaasna ay ku qaabileen wakiillo ka socday Israa’iil iyo Isu Tegga Imaaraadka Carabta.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland oo ku aadan arrinta hoggaamiyaha golaha koonfurta Yemen (STC) ee la sheegay inuu maanta gaaray magaalo xeebeedka Berbera ee maamulkaasi.

Isbeddelkan, wuxuu dhaliyay inuu Sacuudiga dib u billaabo duqeymo ka dhan ah STC . Arrintaas waxaa barbar socday go’aan ka soo baxay Golaha Hoggaaminta Madaxtooyada Yemen oo ah isbahaysi ay ku mideysnaayeen dhinacyada koonfurta Yemen ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ay kala taageeraan, kaas oo lagu dhawaaqay in laga qaaday xubinnimadii golaha madaxtooyada ee hoggaamiyaha STC, Caydaruus Al-Zubaydi.

Waxaa kale oo la furay dacwad khiyaano qaran ah oo si rasmi ah loogu eedeeyay. Ma cadda in dhacdooyinkan ay horseedi doonaan burbur buuxa oo ku yimaada Golaha Koonfurta Yemen (STC) ee Imaaraadku taageero.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in xaaladda Yemen ay gashay marxalad cusub oo sii xoojinaysa khilaafka, kaddib markii meesha laga saaray isku-daygii Sacuudiga uu ku doonayay in Yemeniyiintu ku gaaraan gogogasha uu dhigay Riyadh, wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed.

Dalka Yemen ayaa fowdo galay kadib markii Xuuthiyiintu qabsadeen caasimadda Sanca toban sano ka hor. Xuuthiyiinta oo xulafo la ah Iran ayaa gacanta ku haya inta badan waqooyiga dadku ku badan yahay ee Yemen.

Bishii Diseembar, ciidamada STC waxay qabsadeen dhul ballaaran oo koonfurta Yemen ah. Jawaab ahaan, Sacuudiga ayaa abaabulay xulafadiisa, oo ay ku jiraan Isbaheysiga Qabiilada Xadramuut iyo maleeshiyaad lagu magacaabo Gaashaanka Qaranka, si ay dib ugu riixaan STC.

Dagaalkan ayaa banaanka soo dhigay xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo ah laba quwadood oo Khaliijka ah, islamarkaana ah xulafada Mareykanka. Labada dal ayaa toban sano ka hor soo farageliyay Yemen si ay u ridaan fallaagada Xuuthiyiinta, balse ku guuldareystay.

Dhawaanahan, Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa ku kala aragti duwanaaday arrimaha Yemen iyo Suudaan, iyagoo sidoo kale siyaasado kala duwan ka qaatay dagaalka Israa’iil ee Gasa iyo dowladda Axmed Al-Sharaa ee Suuriya.

The post Hoggaamiyaha golaha koonfurta Yemen oo la sheegay inuu u baxsaday Somaliland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this