Deeq A. Posted Wednesday at 12:00 PM Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa lagu soo warramayaa in haatan uu kusii jeedo magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kadib markii uu isaga tegay Muqdisho. Dubbe ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu tego caasimada Somaliland, halkaas oo ay haatan ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa, iyada oo waddooyinka ku yaalla bartamaha magaalada lagu dhajiyay sawirradiisa. Sidoo kale, waxaa la filayaa inuu kulmo madaxda Somaliland, kadibna uu la hadlo bulshada, isaga oo waydiisan doono wax ay loogu yeeray ‘caafis’ guud. Ninkan ayaa dhawaan iska casilay Senatornimadii Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna si cad u sheegay inuu ka laabtay qaddiyada midnimada ee uu u joogay magaalada Muqdisho. “Saddex sanadood baan Baarlamaanka iyo dariiqyada Xamar la’ taagnaa war dadka Reer Somaliland dhibta ka daaya! Kursigaagii miyaad ka samirtay baa la iigu jawaabi jirey! Kursiga in uu ka mihiimsan yahay damiirku ayaan maanta u sheegay Xamar ragga xukuma. Aniga oo kursigii fadhiya ayaanan maanta iska casilay sidii ay adeeraday hore u sameeyeen 1980. War nimanyahow kala quusanaye qoomamo la’aada” ayuu ku yiri is-casilaaddiisii. Cismaan Abuukar Dubbe ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka, wuxuuna horay usoo noqday Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, xilligii Madaxweyne Farmaajo, waxaana go’aankiisa si wayn uga falceliyay dadweynaha Soomaaliyeed, maadaama uu kusoo aaday xilli xasaasi ah, oo ay taagan tahay xiisada ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland. Si kastaba, ha’ahaatee waxaa horay sidaan oo kale Hargeysa ugu laabtay mas’uuliyiin ka tegay Xamar, waxaana ugu dambeeyay wasiirkii hore ee maaliyadda, Cabdiraxmaan Bayle oo hadda la shaqeeya Madaxweyne Cirro. The post Xog: Dubbe oo berri ka dagaya magaalada Hargeysa appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites