Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirqool ka dhan ah Ibrahim Traore oo la fashiliyay – Sidee wax u dhaceen?

Recommended Posts

Deeq A.   
Captain-Ibrahim-Traore.jpeg?fit=768%2C60

Ouagadougou (Caasimada Online) – Dowladda militariga ah ee Burkina Faso ayaa shaacisay inay fashilisay qorshe lagu doonayay in lagu khaarijiyo Madaxweyne Ibraahim Traore.

Dowladda Burkina Faso oo talada dalka ku heshay afgambi hore ayaa isku daygan ku eedeysay saraakiil ka tirsan ciidanka, kuwaas oo la sheegay inay taageero ka helayeen dalal daris ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Burkina Faso ayaa lagu xaqiijiyay in la fashiliyey qorshahaas, isla markaana gacanta lagu dhigay kooxihii ku lugta lahaa.

Dowladda ayaa sheegtay in saraakiil iyo mas’uuliyiin kala duwan lagu soo oogay eedeymo culus, lana baadi-goobi doono si sharciga loo horkeeno.

Hay’adaha amniga iyo sirdoonka dalkaas ayaa lagu bogaadiyay doorkii ay ka qaateen ka hortagga shirqoollo isugu jiray kuwo gudaha ah iyo kuwo dibadda laga soo abaabulay, kuwaas oo lagu beegsanayay dowladda talada haysa.

Wasiirka Amniga Burkina Faso, Mahamadou Sana, ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ciidamada dalka ay muujiyeen geesinimo iyo feejignaan sare, isagoo uga digay cid kasta oo la shaqaysa cadowga dalka.

“Ciidamadeennu waxay si xirfad iyo xeelad leh u jabiyeen hagartii lagu soo duulay dalka iyo shacabkiisa. Kuwa maleegaya shirqoollada noocan ah waa lala xisaabtami doonaa,” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Sidoo kale wuxuu xusay in shirqoolka uu ka dambeeyay hoggaamihii hore ee dalkaas Paul-Henri Damiba, isla markaana laga soo maalgeliyay dalka Ivory Coast.

Dowladda Ivory Coast iyo hoggamiyihii hore ee Burkina Faso, Paul-Henri Damiba ayaa weli ka hadlin eedeynta ay u soo jeedisay dowladda uu hoggaamiyo Ibrahim Traore.

Kabtan Ibraahim Traore ayaa xukunka la wareegay 30-kii September 2022, kaddib markii uu xilka ka tuuray madaxweynihii hore Roch Marc Christian Kabore. Tan iyo markaas, wuxuu dalka ku maamulayay gacan adag, isagoo wajahaya cadaadis dibadeed oo isa soo taraya.

The post Shirqool ka dhan ah Ibrahim Traore oo la fashiliyay – Sidee wax u dhaceen? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this