Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa maanta ka dhacay xerada TURKSOM ee Muqdisho? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
611696959_1413100354189900_8992902857977

Muqdisho (Caasimada Online) — Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ciidankan cusub ayaa tababar sare oo ciidan ku qaatay Kulliyadda Tababarrada Ciidamada Qaranka ee TURKSOM ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee ay wadaan talisyada Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo diiradda saaraya kobcinta awoodda, xirfadda, iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ciidamada qalin-jabiyay faray inay si dhab ah u gutaan waajibkooda ah ilaalinta midnimada, wadajirka iyo madaxbannaanida qaran ee dalka, si looga difaaco cadowga gudaha iyo kan dibadda ee ka soo horjeeda horumarka iyo nabadda Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu faray ciidanka inay kaalin muuqata ka qaataan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, isla markaana ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibaadka ay u dhaarteen, si loo sugo amniga shacabka Soomaaliyeed iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

Intii ay munaasabaddu socotay, ciidamadu waxay soo bandhigeen xirfado kala duwan oo ay barteen muddadii tababarka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen; adeegsiga hubka noocyadiisa kala duwan, xeeladaha dagaalka, iyo farsamooyinka difaac-nafsiga, taasoo muujinaysa heerka diyaargarow ciidan iyo tayada tababarka ay qaateen.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Odawa Yuusuf Raage, Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktariinka, G/le Sare Axmed Ciise Axmed, Taliyaha TURKSOM, S/Gaas Sebahattin Kalkan, Safiirka Turkiga, taliyayaasha ciidamada Cirka iyo Badda, saraakiil iyo marti sharaf kala duwan.

608216233_1413100460856556_1548730631405

612325540_1413100350856567_2608051891850

611275787_1413100897523179_8677473089320

611003763_1413100747523194_3379236595604

610963908_1413100964189839_3024722832158

612377271_1413100227523246_6649279132300

611518760_1413100224189913_5594256573053

611696959_1413100354189900_8992902857977

611665330_1413100357523233_7853441183405

611297299_1413100204189915_4906255266458

609116988_1413100437523225_3581594954636

611279844_1413100564189879_1111329745650

608431352_1413100590856543_8509223184780

612332771_1413100490856553_5689280410894

611248127_1413100610856541_7489607082970

612314809_1413100680856534_1060886609400

607966593_1413100717523197_4152398838857

609033826_1413100774189858_3924908032801

612905323_1413100857523183_4907220968113

612153895_1413100887523180_4604965425640

The post Maxaa maanta ka dhacay xerada TURKSOM ee Muqdisho? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this