Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska oo soo saaray amar cusub oo degdeg uga dhaqan-galaya Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-3.jpg?fit=1283%2C713&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay go’aan cusub oo lagu mamnuucayo gaadiidka qaada dhagaxaanta ee si xad-dhaaf ah loo raro, kuwaas oo halis ku ah amniga iyo badbaadada waddooyinka caasimadda.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) ayaa sheegay in laga bilaabo maanta wixii ka dambeeya aan loo oggolaan doonin in gaari sida xad-dhaafka ah loo raray uu dhex maro magaalada Muqdisho.

Waxa uu xusay xusay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu ilaalinayo badbaadada dadweynaha, xilli ay dadka shacabka ah si weyn uga cawdeen arrintaan oo kusoo badatay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

“Gaari sidaan u raran inuu Caasimadda dhexmaro waa mamnuuc,” ayuu yiri Macallin Mahdi oo qoraalka digniin ah soo dhigay bartiisa Facebook.

Macallin Mahdi ayaa hadalkan ku lifaaqay sawir muujinaya gaari si aad ah loogu raray dhagaxaan, taas oo si cad u muujinaysa khatarta ka dhalan karta gaadiidka noocaas ah ee waddooyinka lagu arko.

Muddooyinkii dambe, waxaa baraha bulshada lagu baahinayay sawirro muujinaya gawaarida dhagaxaanta qaada ee si xad-dhaaf ah loo raro, arrintaas oo keentay cabashooyin isa soo taraya oo ka imanaya shacabka.

Cabashooyinkaas kadib ayaa Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir wuxuu soo saaray amarkan mamnuucidda ah, isaga oo faray in si adag loo dhaqan-geliyo, lana qaado tallaabo sharci ah oo ka dhan ah cid kasta oo jebisa.

608632141_855198344039749_90778486693076

611308481_855199594039624_28676063476870

The post Booliska oo soo saaray amar cusub oo degdeg uga dhaqan-galaya Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this