Deeq A. Posted Wednesday at 07:00 PM Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Ilyaas Cismaan Luagatoor ayaa maanta xarunta Madaxtooyada kulan wadatashi iyo is-xogwareysi ah kula qaatay haldoorka Puntland ee ku sugan caasimada Garoowe. Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyo doorka Puntland ee dowlad-dhiska Soomaaliya, iyadoo sidoo kale laga hadlay isbedellada sida xowliga ah uga socda gobolka. Madaxweyne Deni ayaa siyaasiyiinta iyo haldoorka uu la kulmay u xaqiijiyay in aysan marnaba gorgortan ka galayn midnimada Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqaynayso kala-tagga ummadda Soomaaliyeed. “Dowladda Federaalka ayaa loo doortay ilaalinta dalka, balse marka aan ka hadalno xaaladda dalka waa nala ka cowdaa,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni. Sidoo kale wuxuu xusay in maamulka Somaliland aan lagu wajihi karin qaab awood ku dhisan, isla markaana loo baahan yahay in Soomaalidu wada-hadal ku xalliso khilaafaadka jira. Deni ayaa indheer-garadka uu la kulmay u sheegay in gobolka Sanaag ay joogaan ciidanka maamulka Puntland, halka uu ku dooday in kala bar dhulka ay sheegato Somaliland uu yahay dhul Puntland. “Khataraha aan wajahayno waxa ka mid ah Somaliland, dhulka ay sheeganayaan 50% annagaa leh,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni. Deni ayaa caddeeyey in marka laga hadlayo siyaasadda dalka, Puntland ay qayb ka tahay Golaha Mustaqbalka, isla markaana ay leedahay siyaasado iyo qorshayaal ku aaddan doorashooyinka iyo geeddi-socodka siyaasadeed. Wuxuu adkeeyey in Puntland aysan aqbalayn muddo-kororsi, ayna arrintaas ka leedahay go’aanno cad oo horey u yaalla. Si kastaba, tan ayaa imanaysa xilli Madaxweynaha Puntland lagu eedeeyay inuu ka maquurtay arrinta aqoonsiga Somaliland, kadib markii maamullada kale ay caddeeyeen mowqifkooda difaaca midnimada dalka. Israel ayaa 26-kii December 2025 ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dal madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblumaasiyadeed la samaysatay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya. Dowladda ayaa wacad ku martay inay si adag uga hortagayso arrintaan, iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah. Hoos ka daawo muuqaalka The post Saciid DENI oo caddeeyay mowqifkiisa aqoonsiga Somaliland appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites