Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay arrinta Deyniile

Recommended Posts

Deeq A.   
1000116903-1440x960.jpg

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay shaqaaqo shalay ka dhacday degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, taas oo sababtay khasaaro soo gaaray dad shacab ah.

Qoraal ka soo baxay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaaqadaas oo dhexmartay koox dhalinyaro ah iyo ciidanka booliska ay sababtay dhaawaca saddex qof oo rayid ah.

Ciidan Booliska wuxuu beeniyay warar la baahiyay oo sheegayay in dad shacab ah ay ku dhinteen iska hor-imaadka ka dhacay degmada Deyniile, warkaas oo ay ku tilmaameen waxba kama jiraan.

Shaqaaqada ayaa ka bilaamatay dhul halkaas ku yaalla oo dowladu doonaysay in ay la wareegto, balse ay ka horyimaadeen shacab dhalinyaro u badan oo arrintaas diidan, waxayna labada dhinac is-dhafadeen dhagax-tuur iyo rasaas.

1000116892.jpg

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this