Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta xil ka qaadista taliye Muhudiin iyo magacaabista darawalkii Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   
Muhudin.webp?fit=1080%2C719&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilka qaadista taliyihii Waaxda Dembi-baarista (CID), Col. Muhudiin Axmed Cismaan, ayaa dhalisay su’aalo culus oo la xiriira jihada ay u socoto horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Go’aankan ayaa u muuqda mid si toos ah u wiiqaya dadaalladii dib-u-habeynta, hufnaanta iyo casriyeynta nidaamka amniga dalka, gaar ahaan dhinaca la-dagaallanka dambiyada iyo musuqmaasuqa.

Col. Muhudiin waxa uu ahaa sarkaal si weyn loogu yaqaanay dadaallada uu ku horumarinayay nidaamka baarista dambiyada, gaar ahaan dhanka forensik-ga. Intii uu xilka hayay, wuxuu tababbaro casri ah u fidiyay saraakiil badan oo ka tirsan CID-da, isaga oo fursado waxbarasho iyo tababbarro uga soo helay dalal ay ka mid yihiin waddamada reer Galbeedka iyo Turkiga. Tallaabooyinkaas ayaa sare u qaaday tayada baarista dambiyada, isla markaana kor u qaaday kalsoonidii dadweynaha ee hay’adaha amniga.

Si kastaba ha ahaatee, xilka qaadistiisa ayaa timid kaddib markii uu hirgeliyay nidaamka E-Payment ee Wasaaradda Maaliyadda, kaas oo lagu xirey bixinta warqadda dembi-la’aanta. Ujeeddada nidaamkan waxay ahayd in la yareeyo musuqmaasuqa baahsan ee ka jiray habka gacanta lagu bixin jiray warqaddaas, isla markaana la hubiyo hufnaan, daahfurnaan iyo isla-xisaabtan.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay si weyn uga careysiisay Taliyaha Ciidanka Booliska, Gen. Asad Diyaano. Sida wararku tilmaamayaan, Waaxda Dembi-baarista (CID) ayaa ahayd meel dhaqaale si aan sharci ahayn looga heli jiray, balse markii nidaamka E-Payment la hirgeliyay ay istaagtay ilihii dakhligaas. Tani waxay muujinaysaa in xil ka qaadista Taliye Muhudiin aysan ku salaysnayn waxqabad liita, balse ay tahay ciqaab ka dhalatay la-dagaallankiisa musuqmaasuqa.

Waxaa sidoo kale muran weyn dhaliyay magacaabista Ibraahim Dhaayow, oo xilka loo dhiibay, kaas oo hore u ahaa darawalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magacaabistiisa ayaa si weyn su’aal uga taagan tahay, maadaama uusan lahayn khibrad boolis oo la jaanqaadi karta mas’uuliyadda culus ee hoggaaminta Waaxda CID-da. Tani waxay dhaawacaysaa nidaamka merit-ka iyo xirfadda ee lagu dhisayo hay’adaha amniga.

Guud ahaan, arrintani waxay iftiiminaysaa habacsanaan ku timid horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaas oo saraakiil waxqabad leh oo isbeddel horseedaya laga hor istaagayo shaqadooda, lana beddelayo shaqsiyaad aan lahayn khibrad ku filan.

Haddii aan wax laga beddelin habkan, waxaa halis ku jirta in dadaalladii dib-u-dhiska iyo casriyeynta booliska ay dib u dhac weyn la kulmaan, taas oo si toos ah u saameyn doonta amniga iyo kalsoonida shacabka.

The post Xogta xil ka qaadista taliye Muhudiin iyo magacaabista darawalkii Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this