Deeq A. Posted Tuesday at 08:00 PM Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo caawa warsaxaafadeed soo saaray ayaa si kulul uga hadlay howlgal ay maalmaahan ciidanka dowladda ka wadeen xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile, kawaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac, laguna barakicinayo qoysaska halkaasi deggan. Ugu horreyn Farmaajo ayaa u tacsiyeeyay ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi, isaga oo ku dhaawaca ah u rajeeyay caafimaad deg-deg ah. Sidoo kae, wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in weli dowladdu ay sii waddo barakicinta shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay in falalkan ay ka hor imaanayaan dastuurka iyo dowladnimada. “Tacsi tiiraanyo leh ayaan u dirayaa qoysaska ay ka geeriyoodeen muwaadiniinta ay ciidanka dowladdu maanta ku dileen degmada Dayniile, waxaanna Alle uga baryayaa caafimaad degdeg ah shacabka ay waxyeelladu ka soo gaartay falkaas” ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweynihihii hore. Waxaa kale oo uu kusii daray “Waa nasiib darro in Ciidanka Dowladda ee loo dhisay difaaca dalka iyo dadka, maanta loo adeegsado laynta iyo dhibaataynta shacab aan waxba galabsan, looga barakiciyo dhulkii ay muddada degenaayeen. Falkaas arxan darrada ah oo si cad uga hor imaanaya dastuurka dalka, xeerka iyo damiirka dowladnimada, ma aha mid la aqbali karo”. Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sidoo kale farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu ugu baaqay inuu joojiyo beegsiga shacabka, una soo jeesto xaaladaha ka waa wayn ee ka taagan dalka. “Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uu degdeg u joojiyo barakicinta iyo dhibaataynta dadka biri-ma-geydada ah, una soo jeesto arrimaha adag ee horyaalla dowladnimada oo ay ugu horreeyaan adkeynta midnimada iyo difaaca wadajirka dalka, gurmadka dadkeenna la ildaran abaarta dabo-dheeraatay iyo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, taas oo wakhtigeeda la joogo” ayuu mar kale yiri Farmaajo. Dhinaca kale, Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna si xooggan u cambaareeyay tallaabooyinka ay sii waddo dowladda Soomaaliya ee la xiriira barakicinta dadka shacabka ah ee deggan caasimada, isaga oo sheegay in dareenka xanuunka leh la qaybsanayo shacabka la barackiyay, sidoo kalena uu u tacsiyeynayo qoysaska ay dhibaatada soo gaartay. “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si adag u cambaareynayaa dilka, dhaawaca iyo barakicinta sharci-darrada ah ee lagu hayo shacabka ku dhaqan deegaanka Warlaliska ee Degmada Dayniile, kuwaas oo ay saakay si arxan-darro ah ula dhaqmeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed” ayay tiri Himilo Qaran. Indhowaanahan dowladda dhexe ayaa wadday howlo burburin ah, waxaana lagu kala baxay xaafado dhowr ah oo ku yaallay gudaha caasimada. The post Farmaajo oo caawa war kasoo saaray dadkii lagu dilay… appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites