Deeq A. Posted Tuesday at 11:00 AM Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin kasoo saartay howlgal culus oo ka dhacay deegaanka Ceel Cilaan, kaas oo qiyaastii 30KM dhanka Bari kaga beegan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland. Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in howl-galkaas lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo dhibato joogto ah ku hayay shacabka deegaanka. Intii uu howl-galka socday waxaa lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan kooxda, halka sidoo kale gebi ahaanba la burburiyay fariisimihii ay halkaas ku lahaayeen. Howl-galka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan amniga, kuna ciribtirayaan khatarta argagixisada, si loo badbaadiyo nolosha iyo hantida shacabka. Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijiyeen in howl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta guud ahaan dalka. Qeybo kamid ah dalka ayaa waxaa ka socda howl-gallo culus oo Dowladda Federaalka sheegtay in jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isla markaana guulo waaweyn laga gaaray howl-galadii ugu dambeeyay ee dhacay. Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dileen Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjoogaha jabhadaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Ninkan ayaa ka mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeeda, waxaana ugu dambeyn xalay lagu khaarijiyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud. Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay, waxayna illaa hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xaqiijiyeen bartilmaameedyo muhiim ah. The post DF oo war ka soo saartay howlgal culus oo ka dhacay Gedo appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites