Sign in to follow this  
Deeq A.

Maleeshiyaad ku dagaallamaya Galbeedka gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya galbeedka gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka uu dagaal xooggan oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ka qarxay deegaanka Taaroge.

Iska horimaadkan oo u dhexeeya kooxaha hubeysan ee ka soo kala jeeda degmooyinka Goldogob iyo Bandiiradley ayaa yimid ka dib markii uu salka ku hayay muran la xiriira dhul daaqsimeed iyo ceelal biyo ah oo ku yaalla agagaarka deegaankaas.

​Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in la maqlayo dhawaqa rasaasta noocyadeeda kala duwan, taas oo abuurtay cabsi weyn iyo barakac ay billaabeen dadka reer miyiga ah ee ku dhaqan aagga uu dagaalku ka socdo.

Ilaa hadda ma jirto tiro rasmi ah oo laga helay khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, balse waxaa jira baaqyo isdaba joog ah oo ka baxaaya odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka kuwaas oo ku baaqaya in si degdeg ah loo joojiyo xabadda, loona ku noqdo miiska wada hadalka si loo badbaadiyo dhiigga walaalaha ah ee halkaas ku daadanaya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this