Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahad Yaasiin oo sanado kadib maanta kasoo degay Muqdisho + Qorshaha

Recommended Posts

Deeq A.   
Fahad-1.jpeg?fit=1024%2C762&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Fahad ayaa muddo ku dhow afar sano ka maqnaa dalka, waxaana imaanshihiisu ku soo beegmayaa xilli ay bilo kooban ka harsan yihiin muddada xil-haynta Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Fahad Yaasiin ayaa ka qeyb-galaya shirweynaha Xisbiga Haybad Qaran, oo dhawaan ay ku midoobeen siyaasiyiin miisaan culus leh, kuwaas oo dhisaya Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Shirkan ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb-galayaan madax hore iyo siyaasiyiin badan oo dhawaan ku midoobay xisbigan cusub.

Fahad ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhinacyada saameynta ku leh siyaasadda waddanka.

Hoggaamiyeyaasha ku midoobay xisbigan cusub waxaa ka mid ah shakhsiyaad saameyn weyn ku leh siyaasadda dalka, oo ay kamid yihiin:

  • Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed
  • Mudane Cabdirasaaq Khaliif Axmed
  • Mudane Cabdi Aadan Hoosoow
  • Mudane Dr. Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale)
  • Mudane Dr. Guuleed Saalax Barre
  • Mudane Ducaale Aadan Maxamed
  • Mudane Faarax Cali Shiire
  • Mudane Taabid Cabdi Maxamed
  • Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Isbahaysigan cusub ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho loolanka siyaasadeed iyo doorashooyinka soo aaddan ee dalka, marka la eego miisaanka xubnaha ku jira ee ku midoobay.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa durba sheegaya in rajada Saacid ee ah inuu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay sare u kacday, marka la eego isbahaysiga siyaasadeed ee uu qeybta ka yahay.

Saacid, oo ah siyaasi rug-caddaa ah, deggan, isla markaana leh heer aaminaad sare, ayay dad badan u arkaan inuu noqon karo qofka ka soo dhex baxa loolanka siyaasadeed ee buuqa badan ee Soomaaliya, isla markaana ah mid ay dhinacyo badan ku qanci karaan.

The post Fahad Yaasiin oo sanado kadib maanta kasoo degay Muqdisho + Qorshaha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this