Sign in to follow this  
Deeq A.

Shan qof oo isku qoys ah oo ku geeriyooday Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   
1000115925-1440x1080.jpg

Shax ruux oo isku qoys ah ayaa ku geeriyooday dab saaka ka kacay gurigooda oo ku yaalla degmada 26-ka Juun ee magaalada Hargeysa, sida ay sheegeen ciidamada dabdamiska Somaliland.

Dadka geeriyoodey ayaa kala ahaa hooyo, walaasheed iyo sadex caruur ah oo ay hooyadu dhashay, kuwaas oo da’doodu ahayd 12 jir, 7 jir, iyo 5 jir, islamarkaana dhammaantood ahaa gabdho.

Guriga dab ka dhacay ayaa ahaa buush ka samaysan cooshado oo ay ku hareeraysnaayeen buushash badan, waxayna ciidamada dabdamiska Somaliland sheegeen in ay dhacdadan baarayaan dambi-baarista Booliska ee CID-da.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this