Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha oo wafdi sare u soo diraya Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
1000116024.jpg

Wasiirka arrimaha dibada ee dal-weynaha Shiinaha Wang Yi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Wafdiga Shiinaha waxay la kulmi doonaan madaxda ee dowladda federaalka Soomaaliya, iyaga oo noqonaya wafdigii ugu horreeyay oo caalami ah oo soo gaaraya Muqdisho tan iyo markii ay Israa’iil aqoonsi siisay maamulka Somaliland.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha wuxuu noqonayaa mas’uulkii ugu sarreeyay ee ka socda dalalka leh codka-qayaxan oo imanaya Muqdisho tan iyo dowladdii kacaanka.

Safiirka Shiinaha ee Muqdisho ayaa dhawaan sheegay in Soomaaliya ay kalsooni u muujisay Shiinaha, halka wareysiyadii uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh siiyay Al-jasiira iyo Al-carabiya laga dhadhansanayay in uu bixinayo tilmaan ku saabsan in la xoojiyo xiriirka Shiinaha.

PUNTLAND POST

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this