Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay kulankii aan caadi ahayn ee yeesheen golaha wasiirrada Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   
1000116382.jpg

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray amniga dalka, doorashooyinkii ka qabsoomay Muqdisho iyo midnimada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay go’aankii Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland ayaa sheegay in guulo wax ku ool ah laga soo hoyiyay tallaabooyinkii diblomaasiyadeed ee qaaday dowladda Soomaaliya, isaga oo u soo jeeediyay golaha xukuumadda in ay si wadajir ah u wajahaan arrimaha midnimada dalka.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ka sheegay in ay sii socon doonto doorashada qof iyo cod, islamarkaana laga qaban doono dowlad goboleedyada.

Dhanka kale golaha wasiirrada waxay ansixiyeen heshiis is-afgarad amni oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda, heshiis iskaashi oo u dhexeeya hay’adda guud ee gaadiidka Boqortooyada Sacuudiga & wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ee dowladda federaalka, xeerka dhismaha machadka badaha iyo axdiga caalamiga ah ee halbeegyada tababarka, shahaado-siinta & ilaalinta badmaaxiinta.

PUNTLAND POST

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this